Sunday, August 3, 2025

Jen. Muungaab: “Guddiga Farmaajo magacaabay waa Sharci darro iyo is-hortaag Caddaalad ee kiiska Ikraan”

-

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Maxkmadii Ciidamada Qalabka Sida Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay kiiska sarkaaladii ka tirsaneyd Hay’adda NISA Ikraan Tahliil Faarax ee muranka ka dhashay.

Qoraal uu sharci ahaan uga hadlay ayuu Jen. Muungaab ku sheegay inuu sharci darro yahay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay inay soo baaraan Kiiska Ikraan, wuxuuna tallaabadaasi ku sheegay inay tahay is hortaag cadaaladeed oo fal dembiyeed ah.

HOOS KA AKHRSO QORAALKA JEN. MUUNGAAB

Alle ha u naxariisto Ikraan Tahliil Faarax, waxaan tacsi u dirayaa Ehelkeeda, Asxaabteeda iyo dhammaam umadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Allah naga wada siiyo.

Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.

Xeerilaaliyaha Guud ee CQS wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha ow u gudbiyay Cabasho lidi ku ah 3 ka mida mas’uuliyiintii sare ee hay’adda NISA. Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu uga hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska.

Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda.

Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil.

Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda.

Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you