Monday, July 14, 2025

Jen. Muungaab: Wasiirkii hore ee Amniga wuxuu u baahan yahay seminaar ku saabsan ( التربية الوطنية)”

-

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa jawaab kulul u diray wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo si weyn u dhaliilay xaaladda amniga caasimadda kadib weerarkii Alshabaab ee xarunta Otto otto.

Qoraal kulul oo cinwaan looga dhigay: Wasiirkii hore ee Amniga Xildh : C/razaaq Cumar Maxamed wuxuu ubaahanyahay siminaar ku saabsan ( التربية الوطنية) .ayuu Jeneraal Muungaab ku faahfaahiyey amni darradii dalka ka dhacday intii uu wasiirka amniga ahaa Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JEN. MUUNGAAB

in wax la iska weydiiyo asbaabtii kalliftay Qaraxii shalay ee Atto atto iyo laxisaabtanka cidda ka gaabisay shaqadeedi waa arin loo baahan yahay , waxaana filayaa in waqtixaadirkaan madaxda Dalka ay ku howlanyihiin sidii ay Tilaabti kuhaboonayd uga qaadan lahaayeen arinkaas .

Laakiin bal aan wada xasuusanno Qodobada soo socda:

1- wasiirku wuxuu soo hadal qaaday wadooyin la xiray!! lkn xildhibaanku xilligii uu wasiirka Amniga ahaa wado xirid , burburin iyo gerweyn la dhicid laamiyadii ay noo dhiseen Walaaalaha Turkiga waa waxa kaliya ay ku xasuustaan shacabka soomaaliyeed !!!. .

2- isla xisaabtanka waa arin wanaagsan lkn xiligii uu wasiirka Amniga ahaa Qaraxyadii waaweynaa ee ay ku dhinteen Allah ha u naxariistee boqolaal shacab iyo Masuuliyiin soomaaliyeed ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ,isla markaana kuburburtay hanti fara badan tusaale ahaan : Qaraxyadii Hotel Saxafi1 , Makko Al mukarama , Ambaasatoor , Central , Liido sea food , Beach veiw iyo kuwo kale oo aan halkaan lagusoo koobi karin !! , yaa lagala xisaabtamay , yaa xilkoodi kuwaayay ? mase wuxuu kumashquulsanaa wado burburin , iyada oo shacabkana loo sheegi jiray waa kudaba jirnaa, waan baaraynaa iyo guddi ayaan u saarnay !!!! .

3- Xildhibaanku wuxuu qiray in bilihii lasoo dhaafay Amniga Caasimadda Muqdisho uu ka soo raaynayay Qaraxyadiina ay yaraadeen ,balse halkii uu ka bogaadinlahaa hay,adaha Amniga Qaranka ee Allah kasukow guushaa xaqiijiyay ayuu kudooday in Nabadda kajirta Xamar aysan ku imaan dadaal Dowladda soomaaliya iyo hay,adaheeda Amniga ay sameeyeen , balse ay kutimid nabadaasi duqaymaha ay sameeyaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab .

waxaan wada ogsoonnahay in Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ka socanaya soomaaliya hafuliyeen Ciidamada QS ee Dowladda Soomaaliya ama kuwa Saaxiibada caalamaka ee taageera Dowladda Soomaaliya intaba waxaa Led gareeya Dowladda soomaaliya ammaan iyo bogaadin bayna kumudantahay iyada iyo saaxiibada caalamka , balse waxan aad ula yaabay xildhiban heer federaal ee Dowladdii uu katirsanaa u diidan guulihii ay kagaartay Amniga Caasimadda ee kudooddaya ciidamada Qaranka waxba mayna qaban ee Afrikom ayaa qaraxyadi ka yaraysay Xamar waana taa waxa aan u leeyahay Mudanaha wuxuu u baahanyahay siminaar kusaabsan Tarbiya wadaniya .

soomaaliya hanoolaato

W/Q: Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you