Thursday, June 26, 2025

Jeneraal Aadan Abshir oo Qiil ay Dagaal ku qaadaan Ahlu-Suna siiyay DF & DGG (Qormo)

-

Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxay aad uga naxeen, u cambaareeyeen dhimashada, dhaawaca, burburka, iyo barakaca ballaran ee ka dhashay dagaalka lagu hoobtay ee Ciidammada Dowladda Federaalka (DF) oo kaashanaya Ciidammada Dowlad Goboleedka Galmudug (DGG) ku qaadeen taagerayaasha Urur diimeedka/siyaasadeed ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca ( ASWJ) ee ku sugnaa deegammada Bohol iyo Guriceel.

Dagaalka Guricel wuxuu joogsaday kaddib markii Beesha Caalamka ku adkeysatay joojintiisa, Madaxweynaha DGG jeediyay khudbad uu uga hadlay shuruudaha joojinta dagaalka, isla markaana gudddi ka kooban 5 xubnood: 3 (2 senator iyo ganacsade) xubnood waxay ka socdeen DF&DGG iyo 2 xubnood (culumo) ka socday ASWJ, soo jeediyay afar (4) qodob:

1. Joojinta dagaalka iyo ficillada hurinaya colaadda
2. Ka bixidda ASWJ deeganka Guricel
3. Soo celinta labo gaadid dagaal ee ASWJ ka qabsatay Ciidammada DF
4. Qabashada wado hadallo degdeg ah ee labada dhinac ku soo afjarayaan khilaafka sababta u noqday 5 dagaal.

ASWJ way fulisay saddexda qodob ee guddiga soo jeediyay, waxayna caddeysay inay diyaar u tahay wada hadallo lagu gaaro heshiis, kalsooni, iyo nabad waarta. Halkii laga sugayay wada hadal labada dhinac yeeshaan, waxaa Magaalada Muqdisho ka soo baxay saraakiil uu hogaaminayo Jeneral Aadan Abshir Nuure, taliyaha guutada 6 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (SNA) oo ay isku jufo hoose yihiin Sheikh Maxamed Shaakir, hoggaamiyaha ASWJ, waxayna yimaadeen dhusamareb.

Tallaabadaas waxay ka fejicisay ASWJ, xubno ka mid ah guddigii isku dhafka ahaa ee ka shaqeeyay joojinta dagaalka, iyo waxgaradka aqoonta u leh xaalinta khilaafaadka u dhexeeya DF&DGG iyo ururka ASWJ. Waxay kaloo tallaabadaas daaha ka qaaday daacad darrada, siyaasadda isla meereysiga, qabiil tooxsiga iyo isku dirka shakhsiyadka isku qabiilka ah ( isku qataaridda mas’uuliinta beesha Sheikh Maxamed Shaakir) ee asaaska u ah siyaasadda Farmajo iyo Fahad Yaasin ku hogaaminayeen dalka, kuna raadinayeen taagerada bulshada qaarkeed, ku jaahwareeriyeen beesha caalamka, sababna u ah qalalaasaha dalka ka socda 5 sano iyo in Soomaaliya ay dowlad la’aan noqoto muddo 10 bilood ah.

Jeneraal Aadan Abshir Nuure oo aan horey Muqdisho iyo dhusamareb ugu qaban shir jaraa’id uu ku sheegayo ujeedada safarka wafdiga Saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa shalay ku qabtay dhusamareb shir Jaraa’id ee ku tibaaxay in DF&DGG ay u bannaan tahay inay qaadaan tallaabo lagu sugayo nabadgelyada deegaanka, taaso macnaheedu yahay in DF&DGG weeraraan ASWJ – Sheikh Maxamed Shaakir iyo taagerayaashiisa – ku sugan Bohol si gacanta loogu soo dhigo, loo dilo, ama lagu qasbo inay cararaan, madaama aan marna la aqbali karin gorgortoonkooda aan la caddeyn haseyeeshe lagu gawracay warkii Macalin Maxamud Sheikh Xassan ka sheegay BBC.

Jeneraal Aadan Abshir ma tixgelin in guddi ka kooban 5 qof ka shaqeeyay joojinta dagaalka, isla markaana Madaxweyne Qorqor ballan qaaday wada hadal rasmi ah oo labada dhinac wada yeelanayaan. Ma tixgelin inaysan daacadnimo ku jirin wada hadallo loo beddelay jufo hoosaad, isla markaana ma tixgelin inuu yahay sarkaal ciidaan ee uusan Madaxweyne Farmajo, Ra’iisul Wasaare Roble, Fahad Yaasin, iyo Madaxweyne Qorqor uusan ka dhammeyn karin dallacaada hal Askari, iskaa masiirka ciidanka 300 ah ee ASWJ.

Waxaa Jeneraal Aadan u furneyd inuusan qaban shir Jaraa’id, kuna ekaato inuu Madaxweyne Qorqor siiyo warbixintiisa iyo taladiisa, dibna ugu noqdo shaqadiisa, haseyeeshe waxaan shaki ku jirin in la faray inuu qabto shirka Jaraa’id si loo dhaawaco sumcaddiisa, iyo tan reerka uu ka soo jeedo, isla markaana lagu xalaaleysto dhiigga iyo bahdilka muwaadiinin Soomaaliyeed oo qaba cabashooyin ka weyn siyaasad oo ah inay si xor iyo xumshad buuxda leh ugu noolaadan deegaankooda iyo dalkooda.

Farmajo wuxuu ku andacooda inuusan aheyn Madaxweyne qabiil, nasiib darro wuxuu Jeneraal Aadan oo ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka (SNA) u adeegsaday hab qabiileed iyo arrimo siyaasadeed dastuurka ka mamnuucay. Waa damiir xumo weyn.
Hadalka shirka jaraa’id ee Jeneraal Aadan Abshir Nuure wuxuu ahaa mid da lab leh, hanjabaad iyo dardaaran werin ka muuqatay.
Jeneraal Aadan Abshir:

1. Wuxuu sheegay inuu ka tirsan yahay DF, taaso macnaheedu yahay in DF ka amar qaato.
2. Ma sheegin mas’uulka iyo mas’uuliinta soo dirtay ee uu ku celinayo warbixinta.
3. Ma sheegin wax bixinta (offer) DF iyo DGG loo soo dhiibeen.
4. Ma sheegin inuu waxgaradka deegaanka la sameeyay wadatashi.
5. Ma sheegin wax bixinta (offer) Madaxweyne Qorqor oggolaaday, haseyeeshe u cuntami weysay ASWJ.
6. Ma caddeyn in DF oggolaatay wax bixinta (offer) Madaxweyne Qorqor oggolaaday, haddii kale talada saraakiisha wax qiimo ah ma yeelaneyso, waayo xalka ka dambeysta ah wuxuu ku xiran yahay DF.
7. Ma sheegin rabitaanka (demands) ASWJ soo bandhigtay ee Jeneraalka ku ganacseyray asagoo aan DF&DGG hordhigin.
8. Marna ma xusin magaca ASWJ, madaxnimada sheikh Maxamed shaakir, wuxuuna ku tilmaamay koox Bohol joogta.
9. Wuxuu tilmaamay inuu u soo aaday Galmudug asagoo ay dhibtay, kana gubanayo dhibaatada ku soo socota qaraabadiisa Bohol joogta.
10. Ma qaddarin utunta ka dhalatay dagaalladii ka dhacay Bohol iyo Guricel oo dhimasho, dhaawac, burbur, iyo barakac ballaaran sababay.
11. Wuxuu ku buuxay inuu Bohol ugu tagay inuu qaraabadiisa oo sheikh Maxamed shaakir ku jiro ka badbaadiyo gumaadka ku soo socda haddii aysan qaadan nasiixadiisa.

Inkastoo aan la sheegi karin wararka qiimo dhaca ee Jeneraal Aadan Abshir Nuure Bohol la tagay, shanta arrimood ee Jeneraalka gaarsiiyay ASWJ (Sheikh Maxamed Shaakir) waxay ahaayeen:

1. Inuusan arag Madaxweyne DF, RW, iyo Madaxweyne DGG oo doonaya inuu arko, la hadlo, ama badbaadiyo ASWJ, go’aankuna yahay in la gumaado haddii aysan degdeg u qaadan nastiixadiisa ama isu soo dhiibin.

2. In Sheikh Maxamed Shaakir degdeg uga tago deegaanka Bohol oo dalka ka baxo ama asaga iyo 10-20 ciidan ah tagaan Huurse.

3. In Ciidammada la jooga Sheikh Maxamed Shaakir la kala diro, qaarna loo raadinayo xal lagu meeleynayo, taaso ku xiran Farmajo oo aan marna laga sugayn oggolaansho.
4. Haddii saddexdaas talo la qaadan waayo, in jufo ahaan loo kala furfurayo Ciidammada Sheikh Maxamed Shaakir la jooga.

5. In dagaal culus lagu soo qaadayo ASWJ haddii Bohol sii joogaan.
Shirka Jaraa’id ee Jeneral Aadan Abshir Nuure wuxuu ahaa fidno, isku dir, iyo hurinta colaad sokeeye.

Wuxuu tusaale u ahaa ku tumashada dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee Farmajo iyo Fahad Yaasin dalka ku burburinayaan. Wuxuu kaloo lagu dhaawacay hogaaminta RW Roble oo maanta booqasho ku tagaya dhusamareb, horeyna ugu guuldareystay inuu ka hortago dagaalladii lagu hoobtay ee Bohol iyo Guricel.

ASWJ ma joogto heer ay u yeerin karto DF iyo DGG wixii ay rabto, waxayse mudan tahay in miiska wada hadallada lagu qanciyo in arrimaha qaarkood ee dalbanayaan aysan suuragal aheyn xagga sharciga iyo nidaamka guud ee dowladnimada Soomaaliya, laakin laga abaalmarinayo dadaalkii, isxilqaadkii, iyo rafaadkii ay soo sameeyeen si mustaqbalka fog Soomaali kale isu xilqaato haddii ay dhashaan duruufo la mid ah kuwii sababay in ASWJ ay hubka qaadato. Nasiib darro, ma muuqato in Farmajo, Fahad, iyo Qorqor ka talinayaan maskaxadda, wadajirta, iyo is afgarshada reer Galmudug iyo Galgudud.

Weerar lixaad ee lagu qaado ASWJ waxaa laga dhaxli doona cawaaqib xumo laga shallaayo. Waxaan ilaahey ka baryaya in heshiis iyo nabad lagu dhammeeyo khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

W/Q: Dr. Maxamud Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you