Monday, June 23, 2025

Jowhar maxaan ku soo arkay..? (Qormadii Wasiir Cismaan Dubbe)

-

- Advertisement -

Khamiistii la soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda.

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah. Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada:

Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey.

Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan. Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada.

- Advertisement -

Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha. Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:

Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes-ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday
Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.

Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin: Haddii xilliyada qaar la odhan jirey; Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye; hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.

- Advertisement -

Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

W/Q: Cismaan A. Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda XG-JFS

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.Shirka...

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you