Wednesday, August 17, 2022

Jowhar maxaan ku soo arkay..? (Qormadii Wasiir Cismaan Dubbe)

-

- Advertisement -

Khamiistii la soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda.

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah. Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada:

Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey.

Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan. Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada.

- Advertisement -

Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha. Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:

Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes-ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday
Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.

Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin: Haddii xilliyada qaar la odhan jirey; Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye; hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.

- Advertisement -

Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

W/Q: Cismaan A. Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda XG-JFS

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wasiir Fiqi oo Guddoomiye iyo agaasimeyaal u magacaabay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ayaa mar kale dib loo howlgeliyay, kadib muddo 5 sano ah oo ay howlgab ahayd dowladii hore ee Farmaajo, xilkeedna ay...

Yaa maamulaya Mucaawinada..? (Ra’iisal Wasaaraha, Ergeyga mise Wasiirka Arrimaha Gudaha?)

Jaha-wareer badan ayaa ka dhashay qaabka dowladda Federaalka u wajaheyso arrimaha abaaraha iyo maamulka deeqaha logu talogalay abaaraha ka taagan dalka oo dowladda madaxweyne...

Rasaas ka dhacday Aaska dadkii ku dhintay Bannaanbaxyadii Hargeysa iyo Wasiir la weerarray

Rasaas ayaa maanta ka dhacday Qabuuraha magaalada Hargeysa oo lagu aasayey dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa. Qalalaasaha ayaa ka dhashay markii...

RW Xamza oo la wareegay howlihii Gurmadka Abaaraha iyo Hay’ad Dib loo howlgaliyay (go’aano)

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan...

Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada oo isu bedelay kulan looga hadlay Xaaladda Abaaraha..

Shirkii degdega ahaa ee loogu yeeray Golaha caawa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa socda, iyadoo xogtii ugu horeyay kasoo baxeyso arrimaha looga hadlayo. Wararka ayaa...

Golaha Wasiirada oo kulan degdega loogu yeeray iyo magacaabid Taliyeyaal cusub oo la filayo

Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Federaaka ayaa caawa shir degdega loogu yeeray, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan kulanka oo lagu wado in xilal...

Raila Odinga oo ku Gacan seyray Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Kenya

Musharaxa Isbaheysiga Mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa ka hor yimid natiijada doorashadii Madaxweynaha dalkaasi ee 9-kii Ogost oo shalay la shaaciyey inuu ku...

XOGAHA QARSOON

Yaa maamulaya Mucaawinada..? (Ra’iisal Wasaaraha, Ergeyga mise Wasiirka Arrimaha Gudaha?)

Jaha-wareer badan ayaa ka dhashay qaabka dowladda Federaalka u wajaheyso arrimaha abaaraha iyo maamulka deeqaha logu talogalay abaaraha ka taagan dalka oo dowladda madaxweyne...

XOG: Wasiirka kaliya ee xilka isku wareejiyay xukuumadda Xamza iyo sida uu ku soo laabtay

Xukuumadda cusub ee Ra'iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu...

Ololaha socda ee Ansixinta Xukuumadda RW Xamza (Dhinacyada diidan iyo Rajada kaliya ee jirta)

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo iska horjeeda oo ku saabsan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Xamza Cabdi Barre. Xubnaha...

5 Arrin oo ku cusub Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamza Barre (Roobow, UPD iyo Wasaaradda..)

Golaha Wasiirada cusub ee maanta la shaacinayo ayaa waxaa soo baxaya arrimo cusub iyo isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka xukuumadii hore iyo shaqsiyaad aan...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you