Tuesday, January 27, 2026

Kacaanka Nooli Keyd ha Reebo [Qormada Yusuf Garad]

-

Dunidu caddaan iyo madow keliya ma aha ee midabbo badan oo kale ayaa u dhexeeya. Qof kasta oo xil qabtayna xumaan iyo samaanba wuu yeelan karaa, labadabana wuu yeelan karaa xilliyo kala duwan.

Maanta waa 21-ka Oktoobar. Waa maalintii 1969 saraakiil ciidan ahi ay xoog kula wareegeen siyaasadda dalka Soomaaliya. Waxay isku magacaabeen Dowlad Kacaan ah.

kacaanWax badan oo khaladdaad iyo dembiyo culus ah ayuu galay Kacaanku. Khaladka ugu weyni malahayga waxa uu ahaa kii ugu horreeyay oo ah in Baarlamaan shacabku doortay la qabqabto, anshaxa ciidanka lagu xad gudbo oo awoodda dalka sidaa lagula wareego.

Dhanka kale, Kacaanku wuxuu dalka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo badan.

Jeclow ma nac, Kacaanku wuxuu go’aan ka gaaray arrimo badan oo aayaha dadkeenna iyo dalkeenna saameyn fog ku yeeshay. Warka laga hayaana wuxuu u badan yahay war aan qofka sheegayaa aanuu u hayn wax daliil ah oo uu ku caddeyn karo. Weliba wararka qaar laga hayo kacaanku wey is khilaafsan yihiin. Qaarkoodna waxaa la hubaa in ay been yihiin loogu talo galay in dad lagu kiciyo, niyadda loogu dhiso, lagu beri yeelo shakhsi ama qof loogu abuuro godob aan sal lahayn.

In badan oo ka mid ah Howlwadeennadii Kacaanka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii awoodda la wareegay ayaa maanta nool.

Waxaan ka codsanayaa kuna dhiirri gelinayaa in ay ummadda Soomaaliyeed u reebaan taariikh run ah oo qoran. Qoraalku haddii uu cuslaado waxaa ka sahlan raadreeb maqal iyo muuqaal ah. Iyadana waxaa ka sahlan kana jaban markhaati cod keliya ah.

Xataa qofka qoraalku uu ku culus yahay waxaa suurta gal ah in gacan laga siiyo haddii uu xog muhiim ah hayo.

Waxaan hubaa in keydka dalka oo intiisa badan uu raacay buburkiiin ay aad u soo kabi lahayd rallaabadani. Waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad khalad laga fahamsan yahay laga qanci lahaa marka kaalintooda dhabta ah la ogaado.

Waxaan aqaan howlwadeenno hore oo raba in ay wax qoraan, laakiin is leh xilligeedii lama gaarin. Ogow, runta xilligeedu waa hadda iyo had kasta. Ogow, mustaqbalka aad hubtaa waa maanta.

Posted by Yusuf Garaad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you