Deeq daawo ah oo dhan 400 tan kana kooban daawo iyo qalab ayaa soo wada gaartay magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadyo afar jeer ah lagu keenay Garoonka diyaaradaha Muqdisho kana timid Sacuudiga. Deeqdan oo ku socotay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya waxaa si mugdi ku jiro ula wareegtay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka. Agaasimaha wasaaradda arrimaha Gudaha Cali Saciid Xalane ayaa qeybtii ugu horeysay garoonka Adan Cadde kula wareegay horeysay; waxaana saxaafadda la hadlay agaasimaha iyo Afhayeenka wasaaradani oo sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha loogu deeqay.
Warbixintan oo Goobjooge.com ay qortay 5-tii Janaayo 2015 (Akhri warbixinta) waxay ka sii digtay in deeqdan dawo ee ka timid Sacuudiga ay Madaxtooyadu ku qortay in lagu wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, halkii ay ahayd in deeqdaasi ay la wareegto Wasaaradda Caafimaadka oo leh takhasuska arrintan una qaabilsan dowladda arrimaha caafimaadka. Waxaa markaasi dhacday in deeqda lagu xareeyay Bakhaaro aan munaasib ku ahayn oo raashinka WFP lagu keydiyo, waxaana suuragal ahayd in dawadaasi muhiimka ah ay waxyeelo ka soo gaarto goobta la dhigay.
Sida ay sheegeen Wasaarada Caafimaadka iyo wafdi Sacuudiyaan ah oo waxaa Deeqda dawo iyo qalabka caafimaad loogu talogalay Isbitaalada Muqdisho sida Isbitaalka Forlanini e TB-da oo Sacuudigu dayac tiray, Qeyb ka mida isbitaalka Benaadir iyo qeybo kale oo isbitaalada iyo xarumo caafimaad ah, waxaana wafdi ka socda Sacuudiga iyo wasaaradda caafimaadka ay horaantii Janaayo booqdeen xarumahaasi.
Haddaba baaritaan dheer oo Goobjooge.com ku sameeyay xaalada deeqdaasi ayaa waxaa kasoo baxay arrimaha soo socda:
Maamulka deeqda daawada iyo qalabka caafimaad ka kooban waxaa gacanta loo geliyay Agaasime iyo xoghaye ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha. waxaa kaloo qeybtinta deeqdani iyo in la gaarsiiyo meelaha looga baahnaa loo wakiishay siyaasi caan ah (Waxaan shaacin doonaa magaciisa waqtigii ay munaasib noqoto), waxaana la is weydiinayaa waxa dadkaasi arrintan soo geliyay iyo mas’uuliyadda ay ka hayaan dowladda, iyadoo wasaaradii takhasuska u lahayd laga wareejiyay waqtigii ugu danbeeyay.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Qalabka iyo daawada kuwa muhiimka ah loo leexin doono ganacsi iyadoo ay jiraan ganacsato arintan lala xiriirinayo oo la filayo inay dalka dibadda u suuq geeyaan. Tani oo haddii ay dhacdo noqoneysa calool xumo kale oo weyn, iyadoo aanu ognahay baahida caafimaad ee ka jirta dalka siiba, Degaanada dhibaateysan ee Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa muhiim ah in arrintan ciddii awood u leh ay ka hortagto, lana hubiyo in dawadaasi lagu soo celiyo wasaaradda caafimaadka kadibna la gaarsiiyo meelihii dowladda Sacuudigu ugu talo gashay iyo dadka baahida u qaba ee laga yaabo inay dawo la’aan ku heyso isbitaalada loogu talogalay.
Mas’uuliyadda ka hortagga leexsiga hantida umadda waxay saaran tahay muwaadin kasta siiba kuwa loo xil saaray xildhibaanada, Xeer ilaalinta, mas’uuliyiinta Qaranka ee nadiifka ah, doorka warbaahintuna waa soo bandhigid si go’aanka ugu haboon ay uga qaataan inta ay quseyso arrinta.
Si akhristayaashu xog ogaal ugu noqdaan deeqdan waxaan idin soo bandhigeynaa Qoraalada Dokumenti ah oo ku saabsan daawada iyo qalabka Sacuudigu ugu deeqay dowladda Soomaaliya, waxaa qoraaladaas ka mida:
1- Qoraalkii codsiga canshuur dhaafka ee wasaaradda Caafimaadka ka codsatay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho
2-Qoraalada inta ay ka kooban tahay daawada iyo qalabka deeqda ah.
Akhri warbixinta Goobjooge.com ay qortay arrinta deeqdan 5-tii Janaayo 2015
HOOS KA DAAWO WARKII UU DEEQDAASI QEYBTII UGU HOREYSAY KA DIYAARIYAY TELEFISHAN HORN CABLE
[ot-video type=”youtube” url=”www.youtube.com/embed/PrRDXVr7SJs”]
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]