Tuesday, March 19, 2024

KASHIFAAD: Maxaa ka jira 10-ka Su’aal ee Kheyre lagu weydiinayo Mareykanka.? Yaase qoray Warka?

-

- Advertisement -

Warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyey su’aalo la sheegay in la weydiin doono Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal shaqo ku joogo dalka Mareykanka.

Su’aalahaan waxaa lagu daabacay wargeyska Washington Examiner , waana qormo ama maqaal uu qoray faalle-qore wax ku qora wargeyskaasi oo lagu magacaabo Michael Rubin, kaasoo qoraalkiisu ku cad yahay inuu yahay ‘Ra’yi’ uu isagu leeyahay, balse aanu ahayn war kasoo baxay dowladda Mareykanka ama hay’adaha uu martida u yahay Ra’iisal wasaaraha amab xitaa laga soo xigtay mas’uul Mareykan ah.

Waxaa muhiim ah in saxaafadda iyo dadka caadiga ah ogaadaan in qormadaasi ay tahay mid uu shaqsi qoraa ah ku cabiray fekerkiisa ujeedkuna yahay in madaxda Mareykanka saameyn lagu yeesho, waxaana ninka qormada qoray uu yahay nin heysta dhalashada Mareykanka iyo Israel oo ka tirsan hay’adda Yuhuudda Mareykanka ee AIPAC, mar wuxuu ka tisanaa wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka; wuxuuna hadda u ololeyaa gooni isu taagga Somaliland.

Micheal Rubin wuxuu Bishii Febrayo 2019 booqday Somaliland, isagoo hore u qoray maqaallo uu dowladda Mareykanka ugu baaqayo inay aqoonsato Somaliland, halka uu si joogto ah u weerarro dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna baaqa in la joojiyo taageerada uu siiyo Mareykanka.

- Advertisement -

U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland

Qodobadda maqaalkiisa ku qoran waxaa ka muuqta qaarkood inuusan macluumaad badan ka heysan xaaladda Soomaaliya, halka qaarkoodna ay xadgudub ku yihiin xiriirada diblomaasi ee dalalka ka dhaxeeya, laakiin waa qormo uu qoray nin la kiresytay oo lagu doonayey in saameyn lagu yeesho socdaalka Ra’iisal wasaaraha ee Mareykanka.

Mareykanka waxaa ka mida shaqooyinka lacagaha badan laga helo qoraallada iyo baaritaanka ay sameeyaan mas’uuliyiinta hore ee Mareykanka oo furta hay’ado cilimi baaris ah, kadibna hadba u ololeeya dowladda ama ciddii kireysata.

Waxaa la yaab noqotay inaan qormada Micheal Rubin lagu sameyn wax raadraac ah oo saxafiyiin iyo warbaahin badan u qaateen su’aalo dhab ah oo la weydiinayo Ra’iisal wasaare Kheyre, kana dhigaan war weyn oo mudan in la faafiyo.

10 questions Somalia’s prime minister should answer in Washington

Michael Rubin. Holds American & Israeli dual citizen. AIPAC influential member. Fanatical Zionist West Bank settler. Ex-Israel Defence Force member. Now a lobbyist associated with American Enterprise Institute, leading enforcer of the Iraq war. Now a spin doctor for ‘Somaliland.’

Michael Rubin

Michael Rubin is a contributor to the Washington Examiner’s Beltway Confidential blog. He is a resident scholar at the American Enterprise Institute and a former Pentagon official.

Michael Rubin. Holds American & Israeli dual citizen. AIPAC influential member. Fanatical Zionist West Bank settler. Ex-Israel Defence Force member. Now a lobbyist associated with American Enterprise Institute, leading enforcer of the Iraq war. Now a spin doctor for ‘Somaliland.’


- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Xildhibaanno taageersan Farmaajo, Deni & Sheekh Shariif oo ka hor yimid Bedelka Dastuurka

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo sheegay inay gaarayeen 70 Mudane ayaa ka hor yimid wax ka bedelka Dastuurka ee ka...

Kaararkii Aqoonsiga Qaar ka mida Ciidamada Dowladda oo la baabi’iyey iyo Sababta

Wareegto kasoo baxday Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in lagu baabi'iyey aqoonsiyadii ay hore u isticmaali jireen ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.Qoraalka uu Hay'adaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii 5-aad Socdaal ku jooga dalka Eritrea iyo Afwerki oo..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.Safarka Madaxweynaha oo qaadanaya labo maalmood ah ayey Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay, inuu...

Xog laga helay Baaritaanka Weerarkii Hotel SYL iyo isbedello Saraakiil Amni oo la filayo

Faahfaahin hor leh ayaa laga helayaa baarista weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo su'aalo badan dhaliyay, isla markaana...

Ciidamada India oo Qabtay 35 Burcad Badeed Somali ah iyo Markabkii ay heysteen

Ciidamada Badda dalka India ayaa weerar ku qaaday oo soo furtay Markab ay muddo saddex bilood ah afduub ku heysteen Burcad Badeed Soomaaliyeed.Qoraal...

Sufyaan Taakeeye oo lasoo taagay Maxkamadda Milateriga iyo Eedihii loo jeediyay

Maxkamadda Darajada koowaad ee Milateriga ayaa maanta lasoo taagay Sufyaan Sheekh Axmed Maxamed Xersi iyo laba qof oo kale oo ku eedeysan taageerada...

Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Mudug iyo Galgaduud oo weerar Gaadmo ah lagu dilay

Ciidama adegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar dhabo-gal ah ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo ka howlgala Gobollada Mudug iyo...

XOGAHA QARSOON

Mareykanka oo xiyaarad kusoo rogay Shirkado iyo Ganacsato taageera Alshabab (Akhriso Liiska)

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn lagu soo rogtay 16 shirkadood iyo shaqsiyaad ka howlgala Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Jasiirada Qubrus oo lagu eedeeyay inay...

XOG: Qodobadda ugu muhiimsan Heshiiska Difaaca ee Somaliya iyo Turkiga oo la helay

Xog cusub ayaa laga helay heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen...

Xogta ku wareegsan Dilka C/Naasir Dahable oo meydkiisa laga helay Gurigiisa Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Geerida sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed oo xalay meydkiisa laga helay Guri uu deganaa oo ku...

XOG laga helay Askarigii fuliyey Weerarkii lagu dilay Saraakiisha Imaaraadka

Iyadoo aysan weli Hay'adaha Amniga Dowlada Soomaaliya wax faahfaahin ka bixin Weerarkii 10-kii Bishan Ferbaayo 2024 ka dhacay Xerada Jeneraal Gordon ee lagu dilay...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you