Monday, August 11, 2025

Khaladkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo & Farriin ku socota Gacan-yareyaashiisa

-

Madaxweynaha la doortay ee shacbiyadda badan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu galay khaladii ugu horeeyay isagoo aan weli xilka la wareegin.

Khaladkan ayaa astaan u noqon doono hab dhaqanka maamuleed ee madaxweynaha iyo kuwa xilligan gacan-yareysaasha u ah oo u badan dhalinyaro xamaasadeysan oo khibradooda maamul iyo dowladeed ay aad u yar tahay, kana fekeri karin saameynta tallaabooyinka ay qaadaan.

Qaabka kooxda Farmaajo u wajaheen ninkii ku caan baxay taageerada madaxweyne Farmaajo ee C/llaahi Maxamed Cusmaan (Daanyeerow) wuxuu  ahaa khalad weyn iyo tusaale dadka u diraya farriin aan wanaagsaneyn.

Mid ka mida gacan-yareysaasha Farmaajo ayaa FB soo dhigay: “Ma aha kaliya inuu helay codsigii ahaa Ar_Farmaajo_Hala_Ii_geeyo ee waxaa kale oo uu noqday qofkii ugu horreeyay ee uu shaqaaleysiiyo Madaxweyne Farmaajo. Kuma laaban doono Jowhar. Wuxuu ka shaqeyn doonaa insha Allah xafiiska ugu sarreeya ee dalka..” 

Haddiiba C/llaahi Daanyeerow loo suurageliyay la-kulanka madaxweynaha waxay ahayd arrin fiican, laakiin in madaxtooyada laga shaqaaleysiiyo oo noloshisii oo dhan la bedelo waa xaalad wanaag u muuqata laakiin halisteeda leh.

Ninkan wuxuu ahaa beeraley noloshiisa caadiga ah wata ayna ku xiran yihiin qoyskiisa iyo caruur agoon ah oo walaalo ay yihiin, qaabka ugu fiican ee madaxweyne Farmaajo ku taageeri karo waxay ahayd inuu ku taakuleeyo sidii uu shaqadiisa u xoojin lahaa, sidii uu beertiisa u balaarin lahaa ee ma ahayn nin Muqdisho loo soo raro isaga iyo qoyskiisna noloshoodii la bedelo.

AAN IS WEYDIINO SU’AALAHAN:

1- Imisa qof ayaa sida Ninkan oo kale ah oo shaqo u baahan.

2- Kooxda Farmaajo shaqo ma siin karaan malaayiinta taageersan ee la mida Daanyeerow

3- Marka qof beeraley ah oo wax soosaar kusii jeeda u bedesho shaqaale madaxtooyo imisa beeraley ayay dhiirigelin kartaa inay shaqooyinkoodii ka tagaan.

Kooxda Madaxweynaha haloo sheego inaysan dadka ku deeqi karin shaqo iyo lacag ay siiyaan, balse shaqada laga sugayo ay ka weyn tahay shaqo ay siiyaan qof taageere ah iyo baraha bulshada oo la isku xayeysiiyo.

Goobjooge.com

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you