Tuesday, July 1, 2025

Khataraha Khaarijinta (assassination) ee Ikraam Tahliil shaaca ka qaaday (Qormo culus)

-

Ololaha lagu codsanayo baarista iyo horgeynta cadaaladda kiiska khaarijinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax la tuhunsan yahay inay mas’uul ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda (NISA) wuxuu shaaca ka qaaday khataro badan ee halis ku ah nolosha, hantida, karaamada, horumarka, iyo dowladnimada guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga ku nool gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada dowladda federaalka ku amar taagleyso.

Dhibka iyo culeyska amar ku taagleynta dowladda federaalka wuxuu ku dhaca ama saaran yahay shacabka ku nool Gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koofur Galbed.

Shanta sano ku dhawaadka Farmajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxaa daaqadda ka baxay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta soomaaliyeed, daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hay’adaha iyo mas’uuliinta dowladda federaalka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, iyo dardargelinta horumarka dalka. Waxaa xoogeystay dhaqanka keligi talisnimada sida ka sarreynta sharciga, eexda iyo kala qaybinta bulshada, dhirrigelinta afminshaarnimada, baahida laalushka iyo musuqmaasuqa, abuuritaanka ciidammo qarsoodi ah oo ka baxsan dastuurka, kana amar qaata shakhsiyad gaar ah, cabburinta guud ahaan shacabka, gaar ahaan mucaaradka, iyo dibin daabyada iyo boobka doorashada, iyo u adeegidda dowladu shisheeye ah.

Warqadaha isburinaya ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xussein Roble waxay shaaca ka qaadeen khataro halis ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo miisan la’aan hoggaamineed. Farmajo ma cuskanayo qodob dastuur ama sharci ee la xiriira arrinta uu ka hadlayo, ama wuxuu cuskanaya qodob ka saabsan mas’uuliyadda iyo awoodaha Madaxweynaha haseyeeshe aan wax shaqo ah ku laheyn awaamirta u bixinayo.

Warqadaha Farmaajo waxay abuureen jaahwareer iyo walaahow aan nuxur ku fadhin, dadweynaha lagu cabsi gelinayo in guryaha iyo hantida reer Muqdisho la burburinayo haddii aan la aqbalin amarrada qaldan ee Farmaajo. Warqadaha isburrinaya waxay shaaca ka qaadeen in:

1. Farmajo ma akhrin ama ma aqoonsana dastuurka asagoo loo doortay inuu ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Ilaalinta Midnimada wuxuu ku beddelay kala qaybinta Ummadda Soomaaliyeed.

2. Farmajo ma aqoonsana kala qaybsanaanta awoodda dowladda ee sharci dejinta, Laanta Fulinta, iyo Garsoorka. Madaxweynaha kama ka mid ahan saddexda awoodood ee uu yahay geed fadhiye, hogaan haye, ama goolhaye qaranka. Madaxweynaha wuxuu saxiixa sharciga dalka lagu maamulo. Ma sameeyo, ma fuliyo, mana dabaqo sharciga.

3. Farmajo ma aqoonsana in dastuurka oggol yahay 4 ciidan keli ah oo hub qaadan kara, ciidan kastana hoos yimaado talis hoos yimaada Laanta Fulinta. Dastuurka ma oggolaha ciidammo aan hoos imaaneyn 4 talis midkood.

5. Farmajo si qaldan ayuu u fahmay kalmadaha ku qoran dastuurka oo kala ah “Astaanta midnimada qaranka,” iyo “Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.” Labada kalmadood ma ahan awoodo la siiyay Madaxweynaha ee waa xilal laga rabo inuu Madaxweynaha guto. Awoodaha iyo xilalalka kale ee Madaxweynaha la siiyay waxay ku cad yihiin qodobka 90 ee dastuurka kmg.

6. Farmajo ma aqponsana inay tahay dambi in dowladdu bixiso Diyo. Dowladda waxay bixisa magdhaw, cawlcelin ay maxkamad go’aamiso ama oggolaato kaddib marka la caddeeyo dambiga dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

7. Farmaajo ma aqoonsana inay dambi tahay inuu hor istaago dacwo u dhexeysa muwaadin Soomaaliyeed iyo hay’ad dowladeed oo garsoorka ku shaqo leeyihiin.

8. Farmajo ma aqoonsana inay sharcidarro tahay u magacaabidda Fahad Yaasin xilka Lataliyaha Ammaanka Madaxweynaha kaddib markii laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee NISA asagoo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa khaarijinta sarkaalad Ikram Tahlil. Hay’adaha Caalamka lama shaqeynayaan shakhsiga lagu tuhunsan yahay khaarijinta qof bani’aadam ah.

9. Farmajo ma aqoonsana Barlamaanka Federaalka sharciga ah (muddo xileedkiisa uusan dhammaan) iyo Garsoorka ku shaqo leeyihiin ilaalinta howl fulinta Laanta Fulinta.

10. Farmajo ma garowsana in khaarijinta (assassination) sarkaal ka tirsan Nabadsugidda dowladda ay aad uga duwan tahay dilka dad badan, waajibna tahay in dhaqso lagu gungaaro.

11. Farmajo ma aqoonsana in ilaalinta dastuurka, danta guud, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ay mudnaanta ka leeyihiin ilaalinta qof aad saaxib tihiin. Waxaa jira qaab sharciyadeed, maamul, ama siyaasadeed ee saaxiibka laga gardaran yahay isku difaaci karo.

12. Farmajo ma dhibayso dhibaatada shacabka iyo dalka ka soo gaaraya buuqa iyo qalalaase siyaasadeed ee uu abuurayo xitaa haddii uu socdo sannado. Wax walba waxaa uga muhiimsan in rabitaankiisa sharcidarrada ah u meelmaro.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you