Saturday, July 5, 2025

KHAYRE TEG EELSE REEB (Qormo)

-

DOQONI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MATAQAAN.!! | Midnimo Online ...

W/Q: Abdulkadir Dulyar

Si kastoo la isugu dayay in wax looga bedelo dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya soo ragaadiyay ee muddada dheer la iska soo dhaxlayay, misna waxaa muuqata in dhaqamadaas laga maarmi waayay oo ugu dambeyn waxey noqdeen wax kastoo dhacay sidoodii hore, sida Baarlamaan mooshin wada, Madaxweyne iyo Reysalwasaare kala taga, khilaaf siyaasadeed abuurma xiliga doorashada iyo beesha Caalamka oo ku fal celisa cambaareyn;

  • Madaxweyne Farmaajo oo madaxdii kaga horeysay kursiga ku dhaliili jiray iney wada shaqeyn waayeen iyaga Reysalwasaareyaashii ay soo xusheen oo uu isaguba ka mid ahaa (Kampala Accord)-na ku baxay, ayaa maanta ka mid noqday liiska saaxiibadiisii hore, islamarkaana maray wadadoodii.
  • Baarlamaankan oo la filayay inuu ka qaangaaray dhaqamadii hore ayaa isaguna mudadiisa miiska soo saaray 2 Mooshin oo xilalkii looga kala qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Reysalwasaarihii hore ee xukuumadda, sidoo kalena waxaa la rumeysan yahay in Baarlamaanka oo kaashanaya Madaxweynaha ay meesha ka saareen shaqadii Aqalka Sare, oo haatan Gudoomiyahoodii dibad wareeg yahay.
  • Mr Kheyre oo isna runtii ka nasiib iyo hoodo badnaa Reysal Wasaareyaashii xilka kaga horreeyay, marka laga fiiriyo mudada 3 sano iyo barka ah ee uu xilka hayay iyo awoodaha dheeriga ah ee uu isticmaalayay oo ah labo fursadood oo aaney helin saaxiibadii kursiga kaga horeeyay, ayaa isagana xil-ka-qaadistiisii kedisada aheyd waxey dibada u soo saartay in isaga iyo Madaxweynehiisu ay khilaaf ku kala tageen, sidaana wuxuu uga mid noqday liiska Reysal wasaarayaashii khilaafka kaga baxay xeyndaabka Dowlada.

– Dhanka kale, inkastoo MD Farmaajo iyo Ex RW Kheyre ay in mudo ah khilaaf kooda hoos u qarsanayeen, haddana waxaa la rumeysan yahay in shirkii Dhuusamareeb uu ahaa midka wax kastoo jiray dibada u soo saaray. Maadaama uu madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu tegay qorshe halis ku ah oo ay RW kheyre iyo Madaxweyne Goboleedyadu isla diyaariyeen, kaas oo ahaa in marka ugu horeysa meesha laga saaro Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo.

Qorshuhuna waxa uu ahaa marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb in Madaxweyne Goboleedyadu ay qaab wada tashi ah ugu yeertaan xubnaha maamul goboleed-yadooda ku matala Baarlamaanka iyo Aqalka sare, si marka ay u kala ambabaxaan deegaannada laga soo doortay loo kala mashquuliyo iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo, waqtigana sidaas looga dhameeyo. Marka la gaaro balanta kulanka 2 aad ee 15ka August loo madlan yahay Dhuusamareebna leysugu tago iyadoo MD Farmaajo aaney xarigiisa xoolo ku jirin, dabadeedna miiska loo soo saaro in doorashadu noqoto mid dadban oo ay maamulaan Odayaasha dhaqanku, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo sidaa lagu kala diro.

Balse Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaas u gows qaniinay ayaa soo xiristii shirkii Dhuusamareeb carabka ku dhuftay in Baarlamaanka leyskula tegi doono, markuu soo laabtayna wuxuu Gudoonka baarlamaanka dhegaha ugu shubay shirqoolka loo maleegay, isaga oo ka dalbaday in ugu horeyn meesha laga saaro Saaxiibkiis Kheyre, si uu u kala dhantaalo awoodda siyaasadeed ee loo diyaariyay, waxeyna shaxda Dhuusamareeb isku doon wada saartay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo qorshahoodu yahay in aaney gacantooda ka bixin doorashada la filayo 2021-ka iney dalka ka dhacdo, iyo in la helo waqti dheeriya oo howlahaas lagu maareeyo maadaama lagu eedeeyay Xukuumadda la kala diray iney ka gaabisay qabashada doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda. Waxeyna labadooduba waa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadee weli ku adkeysanayaan iney waqtigeeda ku dhici doonto doorasho QOF iyo COD ah.

Inkastoo ay arrinkaas shaki weyn ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, Reysal Wasaarihii hore, Maamul Goboleedyada, iyo dadka rogroga Siyaasadda Soomaaliya, hadana Ciyaar Siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanku ay dhowaan soo bandhigeen kuma ekaan xil ka qaadista RW Kheyre ee waxaa wax ka bedel degdeg ah lagu sameeyay shaqaalihii Xaafiiska Reysal wasaarihii hore qaarkood, waxaana shaqadoodii dardar geliyay Golihii la kala diray ee Wasiirada, oo markaan iyagoo KMG ah durba ansixin iyo magacaabis ku sameeyay todobaadkan sharciyo iyo heshiisyo mudo dheer miiskooda yaalay, sida:

1 -Heshiiska ka faa’ideysiga kheyraadka dalka

2- Heshiisyada Turkiga iyo Geeska Africa iyo

3- Ansixinta Golayaal Garsoor oo sida la rumeysan yahay salka ku haya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, si ay u xukmiso go’aanada hey’addaha dowlada iyo murannada siyaasadeed ee dalka, taas oo sababta keentay in xilligan la dhiso ay dhalisay shaki ah in qorshe kale laga leeyahay, hadana hadiiba la dhiso waa tilaabo wanaagsan oo ay ku dhiirran waayeen dhamaan Madaxda dowladihii hore ee dalka soo maray. Waxeyna u muuqataa in meel marinta qodobadaan uu in mudo ah hortaagnaa kuna fadhiyay Mr. Kheyre.

Markase indho fog lagu eego xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaa hareeraha Madaxtooyada ka muuqda walaac laga qabo sida ay wax u socdaan…

Maxaa yaab isdabayaal.!!

W/Q: Abdulkadir Dulyar

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you