Tuesday, February 10, 2026

Kursigaada Difaaco ama iiga-kac Kursiga: Jaalle Siyaad-eyn & Kacaan (Qormo kulul & Dr. Xasan Sheikh)

-

Waxaa taariikhda Soomaalida laga soo wariyay in aay jiri-jireen farsamooyin iyo xeelado farabadan oo bulshada lagu kala qeybiyo, si kala qeybsanaantaas dhexdeeda looga raadiyo faa’iido siyaasadeed.

Aragtidaas guracani waxay daaran-tahay ama salka la gashaa dhaxalkii gumeeysiga ee udub-dhexaadkiisu ahaa “QEYBI OO XUKUN”, ama qoryaha iskugu dhiig si aay iskugu dhiig-baxaan.

Aragtidaani gumeeysiga laga soo minguuriyay ayaa sifiican uga shaqayn jirtay gayiga Soomaaliya. Kuwii gumaystuhu barbaariyay ayaa umada Soomaaliyeed u qeybiyay Kacaan iyo Kacaan-diid.

Kuwa ku suntan Kacaan-diidka kolka xil loo magacaabo si aay xilka u sii haystaan ama kuraasta ugu sii fadhiyaan waxaa jiray SHARDI AMA SHURUUD lagu xiraayo in uu fuliyo, hadii kale waxaa loogu hanjabi-jiray in masuulkaasi xilkaas awalba macmalka ahaa waayi-doono.

Shardigaas ama shuruudaas waxaa ka mid ahaa in xilhaayuhu sida caruurta ku hadaaqo: Kooxdaasi waa Qaran-dumis, kuwaasi waa gumeeysi kalkaal, hebel iyo hebelna waa gumeeysi kalkaal.

Waxaan hubaa in aay wali nool yihiin dad Soomaaliyeed oo in badan sheekooyinkaas raqiiska ah ka dhegeystay Raadiyo Muqdisho, kuwa xiligaas xilbeenaad haayay oo hadalo loo soo meeriyay ka aqrinaaya Raadiyo Muqdisho….

Qofkii qoraalkaan dood ka qaba haku noqdo Keydka Raadiyo Muqdisho….

Biyo dhaca qoraalkan gaabani waa in la ogaado inay siyaasada Soomaaliya ee gurracan inay hide iyo dhaqanba u leedahay in kuwa haaya xilalka macmalka ah in inta loo yeero lagu dhaho:

WARYAA SIDAAS IYO SIDAAS U HADAL HADII KALE XILKA AYAAN KAA QAADAYAA, WAXAANA U DHIIBAYAA HEBEL OO U DIYAAR AH IN UU SIDAAS IYO SIDAAS IYO KASII DARANBA U HADLO, EE HADALKAAN MA DHAHEE MISE XILKA AYAAD IIGA DEGEEYSAA?

Ujeedadu waa in lakala dilo masuulka xilka haaya iyo bulshada gaar ahaan degaanka uu Qaranka ku matalo….Waa farsamada lagu hanto xilhaaye, xilkiisa lagu maamulo xafiiskiisa, asaga oo aan talo iyo tusaale midna ku lahayn talada Xafiiska.

Hadaba dadka Soomaaliyeed hadii ay maqlaan nin ku hadlaaya “HADAL AAN-AHAYN NIN-WEYN HADALKIISA”, ha ogaadeen in ninka hadlaaya innaanu ku hadlayn garasho iyo aragti uu asagu shakhsiyan leeyahay ee waxaa ka dhex hadlaaya ama fariinta usoo dhiibay waa ninkii markii hore u magacaabay xilka macmalka ah.”

“WARYAA SIDAAS IYO SIDAAS U HADAL HADII KALE XILKA IIGA DEG, SOOMAALIYA WAA KU DUNTAY” Ee Soomaaliyey taariikhda wax ka baro, xilka iyo deeqdana Alle ayaa bixiya e, sharafta iyo karaamada yaan lagu iibsan xil-beenaad aan haba-yaraatee lahayn wax macno ah oo loo sharaf-beelo.

Ragoow nin aan kuu furi-doonin yaanu kuu rarin….

Ragow: bil laba ah laguma guureeyo, ee inta aadan hadal, waxna falin, yeelo filasho dheer.

Soomaaliya Guul: Aamiin

W/Q: Dr. Hassan Sheikh Ali
29 November 2020

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you