Sunday, July 13, 2025

Laba Arrimood oo la waayay War-murtiyeedkii Shirkii Madaxda Soomaalida ee Muqdisho [Faallo]

-

Shirkii ku dhammaaday Muqdisho waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ka koobnaa lix qodob oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Warmurtiyeedka loogama hadlin arrimo dhowr ah oo horay u sababay khilaafkii ugu weyn ee dhowaanahan soo kala dhexgalay maamullada iyo dhowladda federaalka ah.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:

Khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliijka

War saxaafadeedka laga soo saaray heshiiska waxaa lagu xusay in dowladda federaalka iyo maamullada ay ku heshiiyeen in lagu wada shaqeeyo “jawi ku dhisan kalsooni, dulqaad, tanaazul iyo masuuliyad.”

Balse qoraalka loogama hadlin sida looga wada hadlay khilaafka ka dhashay sida loogu kala aragti duwan yahay dhibaatada dalalka khaliijka oo saameeysay wada shaqeynta ka dhexeyso dowladda dhexe iyo maamullada federaalka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ku doodayay in dowladda dhexe ay la safato dowladda Sacuudiga iyo kuwa is beheysiga la ah ee go’doomiyay Qadar. Balse dowladda madaxweyne Farmaajo waxay qaadatay go’aan dhexdhexaad ah.

Taasi waxay sababtay khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac ah. hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa heshiis ku saxiixday Kismaayo.

Balse heshiiska muqdisho lagu saxiixay waxaa lagu yiri: “Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waxay xoojinayaan wadashaqaynta labada dhinac si looga fogaado wax waliba oo keeni kara shaki iyo khilaaf siyaasadeed”.

Balse Cabdirashiid Xaashi oo ka tirsan machadka cilmi baaridda ee Heritage ayaa sheegay: “Waxaa dhici karta in ay jiraan in badan oo faahfaahinno ah oo aan la qori karin, laakiin la iska afgartay.”

“Si kale haddii loo dhigo, wax kastaa waa laga wadahadlay sida xiisadda Galmudug ama Koofur-Galbeed, waxaana la iskaga afgartay in la is aaminay, laguna heshiiyay in amniga xoogga la saaro.”

Golaha Kismaayo:

Xubnaha ka qeybgalay shirkii Muqdisho isbuuca ka socdayKadib khilaaf iyo kala shaki soo kala dhexgalay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, Kismaayo waxaa lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo BBC-da la hadlay maalin ka dib markii golaha la dhisay ayaa sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. “Waa waxa aan sharci u leenahay, ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka,” ayuu yiri.

Waxay madaxda maamul goboleedyada, Ksimaayo ka sheegeen in ay ka cabanayaan sida dowladda ay sharciyada u meel mariso iyo in “faragelin toos ah ku hayso maamulladooda.”

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maalmo ka dib shirkii Kismaayo soo saaray war saxaafadeed ayaa si taxadar leh uga hadlay shirkaas.

Waxaa qoraalkaaas lagu billaabay: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Hadaba heshiiska Muqdisho lagu saxiixay kuma cadeyn waxa laga yeelayo golihii Kismaayo iyo waxa shaqadiisa ay noqoneyso ama galaangalkiisa siyaasadeed.

Kullanka ayaa waqti badan qaatay, “jawigii ka horeeyay shirka ayaana ahaa mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro,” Sida uu isbuucii tagay BBC-da u sheegay Guleed Saalax oo ka tirsan machadka cilmi baaridda siyaasadeed ee SIDRA.

“Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in aan is afgarad lagu gaarin si degdeg ah,” ayuu yiri Guleed.

Khilaafka ka dhashay arrimaha Khaliijka iyo Golaha lagu dhisay Kismaayo ayaa xiriir lahaa.

Cabdirashiid Xashi oo ka tirsan machadka Heritage ee Muqdisho ayaa sheegay: “Ka hor shirka aad ayaa loo kala fogaa, gaar ahaan maamul goboleedyada ayaa si weyn uga sheeganayey dowladda federaalka, marka in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii ajandaha ku qornaa waxay muujinayaan in shirku guul ku dhamaaday.”

“In badan oo qodobada la isku hayey ka mid ah, guddi farsamo ayaa loo saaray, mabaadii’da lagu wada shaqaynayana waa la sheegay,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you