Tuesday, July 8, 2025

Laba jid baa u furan madaxweyne Farmaajo: Doorasho waqtigeeda dhacda & Is-casilaad (Qormo Culus)

-

W/Q; Xildhibaan C/raxmeen Odowaa

Qudbadda Madaxweynuhu maanta Baarlamaanka ka jeediyay, ee aan wada dhagaysanay, waxa ay tusaale cad u tahay in uu wali wado habdhaqankii uu afarta sano wadanka ku hagayay, ee uu saldhigga uga dhigay marin habaabin iyo u been sheegid umadda soomaaliyeed.

Qudbaddii uu jeediyay Farmaajo, xiligii u ahaa murashax madaxweyne, balanqaadayadii uu ku xusay wax uu ka fuliyay ee uu maanta sheegi karo majiraan.

Madaxweynaha markii la doortay, waxaa hor-tabin uhaa dalka seddex arrin oo kala ah dhamaystirka dastuurka, dhisidda ciidan awood u leh difaaca qaranka, iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah, seddexdaas arrin waxa ay ahayd in uu sal uga dhigo siyaasadda lagu shaqaynayo afarta sano, si loo helo dowlad xaqiijisa himilada shacabka. Madaxwaynuhu arrimaha aan soo sheegnay majirto mid uu wax la taaban karo ka qabtay, taa badalkeeda waxa uu ku mashquulay arrimo aan asaasi ahayn, sida faan, caga-jugleyn, caburin, iyo kacaameyn salka ku haya dhaqan kali talisnimo.

Seddexda arrin ee la rabay in Madaxweynaha uu hor-tabin ka dhigto waxa ay ahaayeen:

1. Dhamaystirka dastuurka : Dhamaystirka dastuurka, dowladdii midaan ka horaysay, wax la taaban karo ayeey ka qabatay, waxa ayna soo gaarsiiyay meel fiican, ayada oo la soo guddbiyay xulashooyin, sal looga dhigin karo wadah hadal dhexmara dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, daneeyayaasha siyaasadeed, ururada bulshada rayidka iyo qaybaha kale ee bulshada, si ay u kala doortaan, dabadeeddna laga ansixiyo Baarlamaanka, ugu danbeeyna la galiyo afti dadweyne. Dib u eegistii Dastuurka waxa ay maanta maraysaa meeshii uu ugu yimid madaxweynaha. Taa badalkeeda waxa uu madaxweynuhu ku tuntay dastuurkii KGM ee uu ku dhaartay in uu ilaaliyo.

2. Dhismaha ciidan qaran oo awood leh: in la dhiso ciidan qaran, oo isku dhafan, awoodna u leh in uu difaaco dalka, hela daryeel iyo tababr ku filan, kana saaro wadanka Al-Shabaab, ayaa madaxweynaha laga sugayay muddo xileedkiisa.

Si loo dhiso Ciidamadaas waxa ay ahayd in dowladda federaalka iyo dowladaha xubaha ka ah ay si dhab ah uga wada shaqeeyaan si loo dajiyo istiraatiijiyad cad, oo ujeedooyin la fulin karo leh, layslana ogol yahay si loo taabo galiyo.

Madaxwaynuhu si ka gadisan taas, waxa uu door biday in uu dowladaha xubnaha ka ah dowladda feddraalka uu dagaal la galo, waxa uuna go’aansaday in uu asaaso guul-wadayaal, isaga ilaaliya, oo habeen madow lagu qoray xarunta NISA, ka dibna loo diray Eritrea, si uu danihiisa gaarka ah ugu fushado. Arrimaha aan xusnay, waxa ay si cad u muujinayaan in aan wax muuqato oo la taaban karo ka qaban Madaxwaynuhu arrinta la xariirta dhisidda ciidan qaran oo awood leh.

Madaxweynaha markii la doortay, waxaa hor-tabin uhaa dalka seddex arrin oo kala ah dhamaystirka dastuurka, dhisidda ciidan awood u leh difaaca qaranka, iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah, seddexdaas arrin waxa ay ahayd in uu sal uga dhigo siyaasadda lagu shaqaynayo afarta sano, si loo helo dowlad xaqiijisa himilada shacabka. Madaxwaynuhu arrimaha aan soo sheegnay majirto mid uu wax la taaban karo ka qabtay, taa badalkeeda waxa uu ku mashquulay arrimo aan asaasi ahayn, sida faan, caga-jugleyn, caburin, iyo kacaameyn salka ku haya dhaqan kali talisnimo.

Seddexda arrin ee la rabay in Madaxweynaha uu hor-tabin ka dhigto waxa ay ahaayeen:

1. Dhamaystirka dastuurka : Dhamaystirka dastuurka, dowladdii midaan ka horaysay, wax la taaban karo ayeey ka qabatay, waxa ayna soo gaarsiiyay meel fiican, ayada oo la soo guddbiyay xulashooyin, sal looga dhigin karo wadah hadal dhexmara dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, daneeyayaasha siyaasadeed, ururada bulshada rayidka iyo qaybaha kale ee bulshada, si ay u kala doortaan, dabadeeddna laga ansixiyo Baarlamaanka, ugu danbeeyna la galiyo afti dadweyne. Dib u eegistii Dastuurka waxa ay maanta maraysaa meeshii uu ugu yimid madaxweynaha. Taa badalkeeda waxa uu madaxweynuhu ku tuntay dastuurkii KGM ee uu ku dhaartay in uu ilaaliyo.

3. Doorasho qof iyo cod ah: Madaxweynuhu waxa uu xilka la wareegay iyada oo la qabatay doorasho dadban uu isagu xilka kula wareegay, lana diyaariyay sharciyo muhim u ah in loo gudbo doorasho qof iyo cod ah, sida sharciga lagu dhisay Guddiga madaxabaan ee doorashooyinka, iyo sharciga Axsaabta siyaasadda, waajibka saaran waxa uu ahaa maaliintii uu xilka la wareegay, in uu ka shaqeeyo sidii uu sanadka kowaad u diyaarin lahaa sharciga doorashooyinka heer federal, oo laga tashaday dhianacyada ay khuseeyso, maadaama uu yahay sharci siyaasadeed, oo lagu hagayo habka kala wareegidda xukunka, wadankeenuna ku jiro marxalad soo ka bashao, laakiin nasiib darro madaxweynuhu ilaa laga gaaro 2020, wax shaqo ah loo la taaban karo kama qaban sidii doorashadaas loo qaban lahaa. Taa badalkeeda waxa uu ka shaqeeyay in la ansixiyo, sharci loogu gogol xaarayo muddo kororsi dastuurka baalmarsan.

Hadda waxaa inoo muuqdo in Madaxwaynuhu uu ka shaqaynayo muddo kororsigii sharciga doorashada loogu gogol xaaray, laguna mashquulasanaa ka shaqayntiisa sanadihii ina dhaafay.

Haddaba Madaxweynaha iyo Xukuumadda waysay kalsoonida Baarlamaanka, waxa ay ku mashuuqlsanyihiin taagero ay ka raadiyaan baraha bulshada, iyo sidii sumcad dilid loogu samayn lahaa inta ka aragtida duwan, oo u sheegaya in Wadanka waddo khaldan ay ku wadaan.

Wadanka waxa uu hadda taaganyahay meel halis ah, sababtoo ah siyaasadda heshiis laguma aha, amnigana meesha uu gaaray waxaa tusaale u ah weerarkii Xabsiga Dhexe oo ah meesha Xamar ugu danbaysa oo laga filaayay Al-Shabaab in ay tagaan, dastuurka dhamaystirkiisana waa jug-jug meeshaada joog, dooorashadana warkeeda maba cadda ilaa hada.

Madaxweynaha waxaan kula talinayaa in uu iska casilo xilka uu hayo, maadaama uu ku fashilmay balanqaadyadii uu ummada Soomaaliyeed u sheegay 2017, si Soomaalidu aayaheeda kaga tashato. Hadii uu yeelayn oo uu kursigiisa jecelyahay, Dhuusamareeb in uu aado, kana shaqeeyo in doorashada heshiis laga gaaro. Nuuca doorashada ee lagu heshiiyana fuliyo, kana bixin marka uu Muqdisho ku soo laabto.
Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in ay laab la kaca iska daayan oo madaxda beenta iyo faanka la soo shir tagta ay hadda kadib ka feejignaadaan.

W/Q; Xildhibaan C/raxmeen Odowaa

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you