Monday, June 23, 2025

Laba Qodob oo Qasab ay tahay inuu ku dhaqaaqo Madaxweyne Farmaajo [Garsoorka & Gobolka Banaadir]

-

DHISMAHA GOLAHA GARSOORKA IYO GOLAHA DEEGAANKA MUQDISHO (CITY COUNCIL)

Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa looga fadhiyaa  dhismaha labo arrimood oo aad ugu muhiim halkaan  siyaasad xumada ay ragaadisay waxaan u kala qaadanaynaa sidatan

 DHISMAHA GOLAHA GARSOORKA SOOMAALIYEED

Dhibaatada cadaal darada  dalka jirta ayaa meel sare gaartay iyadoo dadweyne badan xaquuqdoodii dhumisay   iyadoo ay  xukunada ay ridaan Maxkamadaha dalka ay dhibaato xukun ay ka jiraan oo cabashooyin badan  ka soo baxayeen  muddooyinkani   haddaba waxaa loo baahan yahay inuu Madxweynah cusub looga fadhiyaa inuu ka qayb qaato dhismaha Golah a Garsoorka Soomaaliyeed si ay u   hogaamiyaan cadaalada  oo u dhisaan  maamulada  qaadyaash qaada dacwooyinka dadweynaha  u dhaxeeya iyo xad gudubyada loo gaysto  iyo inay qaabeeyaan dhismaha Maxkamda Sare iyo hogaankeeda iyo tan Dastuuriga ah oo  kala hagta is qabadka   iyoo fasiraada dastuurka o keentay muddooyin badan   mas’uul waliba uu  siduu isga doonayo u qaato tasi oo curyaamisay howlihii qaranka  oo niyad jabisay siyaasada Soomaaliya  iyo horumarkeeda.

 Dhismaha Golaha Garsoorka iyo dhismayaasha  Maxkamadda Sare iyo tan Dastuuriga oo ah mid qiimo weyn ugu kici doonta maamul dhisida iyo hore socodka siyaasada Soomaaliya waxayna daaweyn doontaa muranada iyo cabashooyinka ka imaanaysa  dadweynaha oo kalsooni badan gali doonta nolosha iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA MUQDISHO (CITY COUNCIL)

Golaha Degaanka Magaalada (City Council)  waa Gole sharciyeed oo leh awoodo qeexan  oo xoojinaya  nidaam shraci iyo qaraaro. Xubnaha golaha degaanka magaalo leedahay waxaa ay koabaan kartaa  hadba tirade  magaaladasi ku nool intay yihii waxaana badanaaba jira (7,11,20….) waxaa soo doorta degmooyinka iyo shan xubnood oo si baahan loo doorto dhammaan cod bixiyayaasaha magaalada, xubnaha uu ka koban golaha degaanka magaalada inta  uu doono ha ka koobnaadee oo uu ku jiro quqa magaalada  ayaa leh nidaamka sharci, qaraarada iyo mooshiinka, waxay soo saaraan  ama bedelaan  kharsh sanadeedka iyo xaqiijinta magacaabista duqa magaalada yeelanayso.

Golaha Degaanka waxa uu ka mas’uul yahay  habaynta iyo soo saarida boonooyinka lagu bixinayo qandaraasyada iyo kharash garaynta  kharashyada magaalada wixii ka badan 50,000 oo Dollar, Golahu waxa uu kirayn karaa guryaha ay magaalada leedahay (Real State) ama  dhulalka   canshuuraha laga qqaadayo hantida ku taala magaalada . Golaha Degaanka waxaa uu go’aamiyaa  hanaanka nidaamyada sharciyadiisa  iyo in kullamadiisa ay u furan yihiin in bulshada ay ka soo qayb galaan.

Waxaa  loodoortaa xubnaha Golaha Deegaanka magaalada labadii sano  oo kasta tiraday doonaan ha haadeene’e iyadoo  xilli walba uu ka bilaabanayo 2 bisha koowaad ama wakhtigii kale ee lagu heshiiyo., shan xubnood waxaa loo soo doortaa si baahsan oo lagu salaynayo baaxada magaalada leedahay halka  inta kale lagu dooranayo baaxada juquraafi ee degmo kasta leedahay iyadoo lagu salaynayo isku cel celis qiyaasta dadweynaha ku nool . 

MAXAY GOLAHA DEGAANKU QABTAAN

 Golaha Degaanka   guud ahaan waxay yihiim laanta sharciga ee dowlada magaalada  waana  waaxda siyaasad samaynta. Golaha Degaanka waxa uu   ka wada hadlaa  yoolalka magaalada, mashaariicda waaweyn iyo horumarinta adeegyada bulshada magaalada iyagoo ku salaynaya  baaxada koritaanka  bulshada eee dhulka loo  isticmaalayo maaliyada iyoo qorshayaasha  istaraatijayadeed, dastuurka magaalada u degsan waa   kan dhaaajiya oo ay Golaha Degaanka qabanayaan iyo waxa ysan qabian Karin.

Qoraalka dastuurka Golaha degaanka waxaa ku qeexan baaxada  waxyaabaha dowladu samaynayso guud ahaan oo ay ku jiraan sharciyada iyo mas’uuliyadaha dadak muwaadaniinta ah iyo  waxyaabaha awoodaha iyo kantaroolida  hogaaminayaan iyo  qeexida Golaha Degaanka leyahay, waajibaadkaasi iyo mas’uuliyadahasi waxaa lagu soo koobayaa sida “ inay inay si wacan  u sameeyaan inay wakiil uga noqdaan  dadka soo doortay  (Constituents) kaliya markii ay arkaan baahida magaalada   dhammaanteed.

WAAJIBAADKA GOLAHA DEGAANKA 

 Awoodaha  iyo waajibaadka duqa Magaalada iyo Golaha degaanka waxaa ku xeeran  sharciga dowlada iyo   sharciga magaalada , qaraarada iyo nidaamyada fulinta waajibaadkooda  dastuuriga ah   sraakiisha magaalada la soo doortay waxay waajibaadkooda yahay sida soo socota:

1.    Samaynta Sharciyada, Qaraarada, Siyaasadaha iyo Nidaamyada caafimaadka, bed qabka iyo daryeelka  dadka degan waqtigaasi iyo kuwa mustaqbalka.

2.    Samaynta  siyaasadaha  ee  si waxgal ah iyo wanaaga garsiinta adeegyada  dowlada hoose (Municipal) ee magaalada .

3.     Samaynta Yoolalka, Ujeeddooyinka iyo talaabooyinka hab socodka ee  dowlada magaalada iyo maamulaha magaalada.

4.     Ku darida, bedlida,  kor u qadida iyo hoos u dhigida shaqooyinka dowlada hoose (Municipal)

5.    Abuurida  waaxyada, qaybaha , wakiilada, xafiisyada, gudiyada la talinta muwaadiniinta oo lagama maarmaanka oo  si waxgalka iyo wanaaga  howl gallada magaalada.

6.    Taaba galinta sharciyeed  oo kor u eegida maamulaha magaalada, shaqaalaha takhasuska leh , la taliyayaasha, gudiyada la talinta muwadaniinta iyo shaqaalaha kale,  kuwa ku shaqeeya mutadawacnimada iyo saraakiisha ay magacaabaan ama  adkaynta  magaalada.

7.    Kala shaqaynta gudiyada la talinta muwaadiniinta  oo ay sameeyan Golaha Degaanka si ay u habeeyaan talooyinka  ee  Golaha Degaanka ee siyaasadaha, mashruucyada iyo qorshaynta kharash garaynta. Xubin kasta ee ka tirsan waaaxda dowlada ee la filayo inay qaataan  shaqooyinka loo diro gudiga iyo ka qayb galida kullamada guddiyada.

8.    Ka qayb galida  qorshooyinka dhaadheer ee istaraatiyada bulsho.

9.    Samaynta  qorshaha guud  oo ka kooban aaladaha isticmaalka dhulka, aaldaha wareejinta,  hawada furan , ilaalinta,  aaladaha madadaalada , aaladaha  bed qabka iyo  aaladaha degaamaynta ama guriyaynta.

10. Samaynta qoshoyinka waaweyn ee biyaha , bulaacadaha, gudbinta wasakhda, goobaha lagu nasto, goobaha dowlada hhose , ee  hogaaaminta qorshaha  mustaqbalka magaalada ee adeegyada bulshada  muhiimka ee aad ugu darran howlaha magaalada.

11. Ansixinta  xuduudaha dowlada hoose,  saamayn ku yeelayashada iyo  la wareegida dhulka magaalada.

12. Ansixinta  ee is bedelada  meelaha , waaxyaha hoose  iyo  goobaha ganacsi iyo warshadaha intaba.

13. Ansixinta  dhammaan heshiisyada horumarinta ee ddadka degaanka , ganacsiga iyo kuwa horumariya warshadaynta.

14.  Ansixinta  qorsha  shanta sano ee horumarinta magaalada.

15. Ansixinta  kharash bixinta magaalada.

16. Ansixinta  kharash bixinta magaalada.

17.   Hore u dhigida xiriirka wanaagsan ee dowlada federaalka, waddanka iyo  hay’adaha dowladaha hoose. Duqa magaalada iyo Golaha Degaanka ayaa door muhiim ah ee ka shaqaynta  ee saraakiisha ku haboon ee  arrimaha is dhex galka  ay sharciga u leeyihiin, dhibaatooyinka goboleed  ee saamaynta ku leh  ee dadka degaaanka degan.

18. U adeegida goboleed iy xubnaha dowladeed, guddiyada, xooggaga shaqo ee hore u dhigida iyo difaacida danaha dadka degaanka.

19. Magacaabista iyo shaqo ka qaadida haddii lagama maarmaan loo arko cod tiro badnaan ah, maamulaha magaalada.

20. Habaynta waajibaadyada kale ee aasaasida sharciyada, qaraarada, heshiisyada qandaraasyada iyo  nidaaminta.

Dhisida labadaasi Gole ( Golaha Garsoorka & Golaha Deegaanka Muqdisho ) ayaa muhiim u ah dowlad dhisida Soomaaliya oo qab qabsi iyo is af ran waa badan ragaadiyay maamuladii dalka soo maray waxayna daawo waafi u noqonaysaa in maamul wanaag iyo dowladnimo la helo hadii Alle idmo

W.Q. Maxamuud Yusuf Culusow

E-mail: [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you