Thursday, August 7, 2025

Laba Xiddigle Bashiir: Tusaalihii Daacadnimada

-

Tiro dad ah oo isugu jira ciidan iyo rayid ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay laamiga hor mara madaxtooyada Soomaaliya.

Shahiid-BashiirInta dhimatay Allaha u naxariista inta dhaawacan tayna Eebbe ha bogsiiyo.
Dadka dhintay waxaa ku jira Allah ha u naxariistee Laba xiddigle Bashiir oo ahaa askari muddo dheer ka shaqeynayay Illinka hore ee laga soo galo madaxtooyada.

Wuxuu ahaa nin wanaagsan. Wuxuu ahaa askari daacad ah. Wuxuu ahaa nin dhowrsan oo dad la dhaqan wanaagsan.

Wuxuu ahaa nin aad u af gaaban oo aan dadka la murmin. Wuxuu ahaa nin aan dadka dhibin oo si nabad doonimo ah u kala haga gaadiidka faraha badan ee maalin kasta gala kana soo baxa madaxtooyada.

Ma maleynayo in uu jiro qof 3 jeer ka badan dan ka yeeshay madaxtooyo oo aan xusuusan Bashiir – Waa Suurto gal in uusan magaciisa u aqoon.

Bashiir waxa uu tilmaan u ahaa askariga wanaagsan ee ku dayashada mudan. In ka badan 7 sano oo aan Albaaskaas galayay ama ka soo baxayay waan arkayay Bashiir, isagoo labbisan, waliba si wanagsan u labbisan.

Waligii ma arkin isagoo kala daadsan, Isagoo dad la murmaya ama isagoo xanaaqsan. Inta badan dadka jidkaas adeegsada wuu bar garanayay,qofkii uusan garanna wuxuu weydiin jiray caddeyn iyo aqoonsi tii u fudud.

Ma garanayo waxa loogu daro Bashiir. Waa tusaale cad oo ka markhaati kacaya dhowrsanaantiisa. Intii arki jirtay ama la macaamishay waan hubaa in ay sidaas la tahay.
Qarax hore oo isla goobta ka dhacay, ayuu Bashiir ku dhaawacmay, balse dhaawacaas wuu ka kacay.

Ilaahey doonistiisa ayay ku ahaatay in uu maanta ku naf waayo qarax gaari, isagoo u taagan shaqo maalmeedkiisa, una adeegaya dalkiisa iyo dadkiisa.
Samaanta Bashiir waxaa ka markhaati kacay bani’aadmigii la macaamilay oo dhan.

“Ummaddeydu Xumaan iskuma raacdo” Sidaas waxaa yiri Nabigeenna NNKH.
Allaha u naxariisto Laba xiddigle Bashiir, Tusaalihii Askariga Wanaagsan, Waddaniga daacadda ah iyo Howl-kama daalaha anshaxa leh.

LiibaanMas’uuliyiinta Qaranka ugu sarreeya kuwii hore iyo kuwa hadda jooga, oo aan hubo in ay si fiican u garanayaan daacadnimadii iyo howl karnimadii Marxuum Bashiir, waxaa xil ka saaran yahay daryeelka qoyskii Bashiir oo dalkaan u dhibtooday, u dhaawacmay, una dhintay.

W/Q: Liibaan Cabdi Cali

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you