Sunday, August 31, 2025

Lix Waxyaabood oo Sababay Guuldarradii Xasan Shiikh Maxamuud (Qormo)

-

In badan oo ka mid ah dadka wax faaqida ma aamini karaan sida ay isu rogtay Doorashadii Madaxtinimada Somalia maanta, waxaa tartan adag laga filaayay hogaamiyaha laga adkaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Ilaa hada dadka ku haminaayay inuu Xasan soo laabto sharaxaad fiican kama bixin karaan sababtii uu Xasan ku guul dareystay ,laakiin waxaan qoraalkaan kusoo koobaya dhowr waxyaabood oo loo sababeyn karo guuldaradiisa.

1-Kulankii saakay ee 20-ka musharax ku yeesheen Hotel Jaziira ee la isku dhaarsaday in midka ugu codadka badan la taageero si Xasan Shiikh loo badalo.

2-Qudbadii Shiikh Bashiir Axmed Salaad ee Doorashada Ka hor waxaa ay aheyd mid fariin bixineysa ,dadka wax fahmi kara waxaa ay ujeedeen ineysan aheyn hadalo Xasan u daneeynaya , tusaale markii uu Shiiq ku wacdiyo adigoo masaajid ku jira 100% waxa uu sheegaayo waad aamintaa, Sidoo kale hadalkii Zakariye ee doorashada ka hor wuxuu ahaa midkale oo wax badalay.

3-Ololaha Xasan Shiikh ayaa u batay balan qaad aan lacag wadan, sida aan saakay sheegay ololaha Xasan Shiikh waxaa ay kusoo aruureen yabooh xilal ah waxaana xusid mudan in xildhibaanada cusub badankood deymo lagu lee yahay waxaana ay u baahnaayeen lacago kaash ah.

4-Xisbiga Daljir ayuu Xasan ka diiday dalab ra’iisul wasaare kadibna waxa ay u guureen dhanka Farmaajo oo ay xalay la fariisteen kadibna xildhibaanadooda oo dhan oo tiro ahaan 30 ka badnaa ayaa ku biiray markii uu u balan qaaday inuu Ra’iisul Wasaare ka dhigi doono qof iyaga ka tirsan.

5-Colaada loo qabay hogaanka raagay ayaa aheyd mid muuqatay waxaana ereyga is badal oo dadka qaarkii aaney si fiican u fasiri aqoonin uu ahaa wax kale oo fal gadiyay siyaasada Xasan.

6-Mushaharaxiintii maanta kuwii ugu miisaanka culusaa ayaa u badnaa kuwii tartamayay 2012-kii markaas oo ay codadkoodii ku taageereen Xasan Shiikh, lakiin kadib Albaabada ayaa laga xirtay waxaana ka buuxday caradii arintaas mana kasuurtoobin iney maanta aqbalaan balan kale 4 sano kadib.

Abdullahi Osman Farah
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you