Madaxda Dowladda Soomaaliya oo wadajir salaadii Janaasadda ugu tukaday Wasiir Nuur Faarax [Sawirro]

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta Salaadii Janaasada lagula tukaday Wasiirkii Dekadaha & Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi oo saakay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan Ex Digfer ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda ka qeyb gashay salaadda janaasada waxaa ka mid aha: Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Waxaa kaloo ka qeyb galay safiiro iyo wafdi Turki ah oo Muqdisho ku sugnaa, waxaana isla maanta lagu aasay QabuurahaIsbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho. Alleha u naxariisto.

Goobjooge.com