Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne, Fadlan Kordhi Kana Dhabee Wadahadalka. [W/Q: Yusuf Garad]

-

Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay.

Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta.
Waa mowduuca sidii xal looga xoroobi lahaa qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba.
Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan.

Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii.
Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed.

Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?”
Wuxuu ku datay “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?”

Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas?
Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal, waa Culimmadee, ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab.

Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo.

Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhammaadeen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. 

Waxay ila tahay hadalkani uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in weerarkaas hordhaca ama Jawaabtu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada.

Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab.

Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed.

Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo.

W/Q: Yusuf Garad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you