Friday, January 30, 2026

Madaxweyne Farmaajo Muxuu ku muteystay in Galmudug lagu soo dhoweeyo..? [Qormo]

-

Waxaan maalmahan Baraha Warbaahinta Bulshada ka arkaynay Farmaajo oo soo dhowayn aan caadi ahayn loogu sameeyey deegaanada Puntland taas oo lagu fasiri karo in lagu abaal marinayey tacadigii uu u geystay Beesha Habargidir.

Waxaase iswaydiin sababta keentay in siyaasiyiin iyo madaxda reer Galmudug ay deegaanka ku qulqulaan si ay u soo dhoweeyaan Farmaajo. Farmaajo wuxuu booqashadiisa u qosheeyey Puntland. Galmudug waxay u tahay lama huraan lugta sii mari ah. Wuxuu ku degey Waqooyiga Gaalkacyo, halkaas ayaa loogu yeeray.

Madaxdii Galmudug, Xaaf, Qaybdiid, Cweli Gorod, Wasiirkii Arrimaha Gudaha. Sawirada dadka soo dhowaynaya ay wateen waa Gaas iyo Farmaajo, Calanka Puntland ayaa la daba taagan yahay. Waxaa kaloo is waydiin mudan Farmaajo u qabtay reer Galmudug oo aan ka ahayn:-

1- In uu isku dayey inuu afganbiyo maamulka Xaaf hogaamiye ee Galmudug isaga oo adeegsanaya kooxo u dhashay deegaanka oo calooshood u shaqeystayaal ah.

2- In Dadkoodi ku xasuuqay Bariire ka dibna yiri waa argagixiso ilaa maantana uusan diyadoodii bixin.

3- Ma in uu weeraray Hoyga Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur iskuna dayay khaarijintiisa.

4- Mise waxa uu ku muteystay amarkii uu ku baxshay in loo dhaco guriga Senotor Cabdi Qaybdiid, suuligana loogu dhaco Xaaskiisa, taasoo ah xadgudub iyo xaqiraad aan geed loogu ganbado laheyn.

Gafafkaas iyo kuwa kale oo badan ayay ree Galmudug ka tabanayaan Farmaajo inta yar oo aan sanadka dhamayn ee uu xilka haayay.

Hadaba madaxda maamulka Galmudug iyo siyaasiyiinta isku sii maqiiqaya soo dhowaynta Farmaajo uga jawaabayaan su’aalaha kore. Maxay u sheegayaan taageerayashaa iyo shacabka reer Galmudug ee lagu yaqaano gobonimada, sharafta iyo cisiga dadnimo. Jawaabta sow maaha.

Waa sharaf disheen dadkiina Soomaalina waxay horey u tiri
“NIN KU DILAY HOOS KUMA JIIDO”

W/Q: Cali Aadan Muumin
Amsterdam.

Qoraalkadda fekradaha kama tarmujayaan Goobjooge ee waxay gaar u yihiin qofka qoray.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you