Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaano Katirsan Puntland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.
Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Baarlamaanada Heer Maamul Goboleed. Waxaa sidoo kale kulankaasi ku sugnaa Gudoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta  wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka.
Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Baarlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka.
Dhanka kale waxaa iyana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaasha aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Daawo Sawirada