Sunday, July 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Muuqaal wanaagsan ka sameeyay Bariga Afrika [Qormo]

-

Kaalinta Soomaaliya ee Bariga Afrika aya u muuqata mid xiiso leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu muujiyay ugu yaraan in Soomaaliya ay tahay dal aan looga maarmin go’aamada masiiriga ah ee dalalka ku yaala bariga Africa

Inkastoo Farmaajo lagu dhaliili karo inuusan mudnaan siinin cabashada iyo is faham darada isaga iyo maamul goboleedyada, hadana taasi kama dhigna iney wanaagsan tahay inuu dayaco doorka shariifka ah ee Soomaaliya ku leedahay gobalka Geeska Afrika.

Farmaajo oo mar walba ku celceliya inuu raadinayo soo celinta sharafkii iyo milgihii ay Soomaaliya ku laheyd aduunka ayaa casbashadii Jabuuti u sarifay xal raadin. Dhowaan Jabuuti waxey muujisay iney ka xuntahay isu soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Eritrea balse taa badalkeeda waxey Villa Soomaaliya sheegtay iney gacata midig ku xalineyso khilaafka Jabuuti iyo Eritrea oo muran dhuleed uu ka dhaxeeyo.

Safarkii uu wasiirka Arimaha dibbada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku tagay Jabuuti si looga wada hadlo xal u helida mandiqada gaar ahaan xurgufta Jabuuti iyo Eritrea wuxuu bilay heybadii Soomaaliya. Jabuuti waxey hada arki kartaa in Soomaaliya aaney cadaw ka raacin.

Gobalka Geeska Afrika wuxuu wajahaya is badalo xoogan waana muhiim in taas ay si dhab ah ula jaan qaado Soomaaliya. Safarkii deg degta ahaa ee uu madaxwene Farmaajo ku tagay Asmara wuxuu fasirayay in aaney macquul aheyn in talaabo la qaado Soomaaliya la’aanteed.

Muddo yar ka hor, dalalka gobalku waxaa ay gaari jireen go’aamo waa weyn iyadoo aan wax tix galin ah laga siinin Soomaaliya oo aduunka kaga taala meel muhiim ah. Bulshada Soomaalidu waxey arrintaan u aragtaa in la aqbalay miisaanka uu dalkeennu lee yahay.

Inkastoo Farmaajo iyo dowladiisu ay qaladaad badan ku kaceen intii ay xafiiska joogeen, hadana waxaa lama huraan ah in lagu bogaadiyo sida ay xil isaga saareen ineysan lumin fursadaha siyaasadeed ee ku xeeran isbdalada ka socda bariga Afrika.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you