Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo: Saaxiibkeyow mar i maqal (Qormo xasaasi ah oo lagula hadlayo)

-

Saaxiibow taariikhdu waa isa soo celcelisaa ee aan ku xusuusiyo dhacdo aan xusuusteyda ka go’in. Alle ha u naxariistee Ganacsade Cumar Ganey oo ay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee saaxiibbo ahaayeen mudo 50 sano ah ayaa Madaxtooyada ugu tegay Maxamed Siyaad markii ay Muqdisho xabaddu ka billaabatay Dec 1990.

Wuxuu ku yiri “Maxamed Siyaadow waxaan saaxiibbo nahay 50 sano, intii aad Madaxweynaha aheydna waligey xil, hanti iyo dan ii gaar ah kuuguma i maan. Maanta waxaa gurigayga iga keenay lexajeclada adiga iyo dalkaba iga kiin heysa, ee fadlan dalka iyo dadka badbaadi oo banneey kursigaan dabka ku shidan yahay, oo damacaada ha u burburin dalkaada. Maxamed Siyaad dheg jalaq uma siin codsigii iyo taladii Cumar Ganey.

Waxaanse hubaa in uu ka qoomameeyay in uu ka dhego-adeygay talada saaxiibkiis markii bil kadib Madaxtooyada looga saaray ee uu duurka galay, kadiba uu isagoo qaxooti ah ku geeriyooday dalka Nigeria.

Saaxiibkeyga qaaliga ahow Maxamedow waxaad tahay walaal iyo saaxiib aan jeclahay oo aan marxalado kala duwan isla soo marnay.

Waxaad marag iig tahay in aan si niyad iyo nafhurnimo ah kuula soo shaqeeyay si aad kursiga ugu guuleysato oo dalka Madaxweyne uga noqoto, waayo waxaan u arkayay in aad Soomaaliya samatabixin karto oo aad danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doonto.

Saaxiibow waa i dhibaysaa in dhiigga dadkeygu si fudud u daato oo dalkeyga hooyo dagaallo-sokeeye u galo damaca saaxiibkey Farmaajo. Waxaan ku kalsoonahay daljaceylkaada iyo niyadwanaaggaada, waxaase ii muuqata in uu dalku khatar ku sii socdo, oo aan qarka u saarannahay burbur iyo dagaallo-sokeeye.

Dad badan oo aan ka mid ahay oo ka walwalsan mustaqbalka dalka ayaa sugaya khudbadda aad sabtida ka horjeedin doonto Golaha Shacabka. Waxaa laga yaabaa in ay noqoto fursaddii ugu dambaysay ee aad shacabka kula hadleyso iyadoo hadalkaadu xiiso leeyahay.

Waxaan kaa rajaynayaa in aad qaadato go’aan xilkasnimo ku dheehan tahay, oo aad ka dhigato khudbad sagootin iyo rajo-soo-celin ah, oo aad dib ugu soo nooleyso qalbiyada quustay. Ayna noqoto khudbad dhegaha shacabka ku harto oo lagugu soo xusuusto, Muqdishana dib ugu soo celiso hooyooyinka qaxay.

Khudbadahaaadii ugu dambeeyay waxaan kaa arkay dhaqan aanan kugu aqoonin oo ah in aad dad kale eedeyso. Si aad u sheegto in aad saxan tahay kuma qasbanid in aad dad kale eedeyso. In aad qaladka qirtana waa gobannimo. Waxaan kaa filayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysato in aad shacabka Soomaaliyeed ka raalligeliso qalad kasta oo kaa dhacay intii aad masiirkooda jaangoynaysay.

Cadawga ugu halista badan ee aan maanta kaaga cabsanayo waa dadka kugu hareereysan ee aan warkaada war kale ka soo celin. Saaxiib ka digtoonow kuwa kuu nacamleeya ee aan isku dayin in ay aragti kugu biiriyaan, aana ku dhiirran karin in ay ku qabtaan marka aad qaldan tahay. Kuwaas markii aad kursiga ka tagto ayay kugu been abuuran doonaan, oo waxay dhihi doonaan: Anigu arrintaas waan kala taliyay, balse wuu iga diiday.

Intii aan ku jirnay dadaalladii aad kursiga ku dooneysay iyo intii aad Madaxweynaha aheydba oo dhawr jeer aan Telefonka kuwada hadalnay marna kaalama hadlin dan ii gaar ah. Ee saaxiibkey Farmaajow maanta mar i maqal oo damacaada ha u burburin dalkaada hooyo. Waxaana rajaynayaa in aad taariikhda wax ka barato oo aadan taladeyga uga dhega-adeygin sidii uu Maxamed Siyaad Barre dhegaha ku fureystay taladii saaxiibkiis Cumar Ganey.

Waan ku kalsoonahay in farriintaan ku soo gaari doonto, waxaana laga yaabaa in aad is waydiiso sababta aan farriintaan Facebook ugu soo qoray anigoo si gaar ah kuugu soo diri kara. Saaxiibow damiirkeyga ayaa i faray in aan farriintaan kuu soo marsiiyo halkaan oo aan dadka ugu sheegi jiray rajada wanaagsan ee aan kaa qabo haddii aad Madaxweyne noqoto.

Adiga iyo Soomaaliyaba waxaan idin rajaynayaa mustaqbal ifaya, saaxiibkeyow.Saaxiib iga gudoon salaan diiran.

May be an image of 1 person, beard, eyeglasses and outdoors

Abdulahi Nur Colombo
Annandale, Virginia,USA

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you