Madaxweyne Farmaajow Ma ku dayan doontaa John Magufuli-ga Tanzania…? (Farriin ku socota Farmaajo)

0

Waxaa dhowaan madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shacbiyad balaaran iyo taageero aan hore loo arag ka helay shacabka, loona han weyn yahay inuu wax ka qaban doono dalkan  ku jira xaaladda halista ah.

Arrinta ugu weyn ee laga sugayo Farmaajo waa la dagaalanka musuqmaasuqa oo la degay madaxda dowladda Soomaaliya. Qodobadii uu doorashada ku galay waxaa ka mid ahaa la dagaalanka musuqa faraha badan ee ka jira dowladda.

Farmaajo waxay saxaafadda ku tilmaantay musharaxa ugu musuqa yar musharixiinta, taasoo ka dhigtay inuuusan jirin mas’uul ka nadiif wada ah, laakiin rajada shacabka qabaan ayaa ah in la aamini karo.

Xaaladda la dagaalanka musuqmaasuqa iyo si xun u isticmaalka hantida umadda waa inuu Farmaajo uga daydaa madaxweynaha Tanzania John Magufuli oo cashar u dhigay madaxda Afrika markii loo doortay madaxweynaha dalkaasi Novembar.

Madaxweyne Farmaajo waa inuu la-dagaalanka musuqa ka bilaabaa xafladda caleemo saarkiisa oo xukuumadii hore ay lix guddi u sameysay, lana doonayo in magaalada Muqdisho mar kale la xiro, isla markaana hanti fara badan lagu bixiyo (Akhri Guddiga la magacaabay).

Dal ku jira xaalad abaareed oo dad iyo xoolo u le’anayaan baahi iyo oon, ciidamo iyo shaqaale dowladeed aysan mushaar qaadan in ka badan 8 bilood, khasnada dowladda aanay marnaan waxba dhaamin lacag boqolaal kun oo doolar ah lagu bixiyo xaflad caleemo saar, waxay noqon doontaa farriin khaldan oo madaxweynaha cusub u diri doono umadda uu hogaankeeda qabtay.

Qormada hoose oo muddo sanad ku dhowaad ah laga qoray tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Madaxweynihii la doortay ee Tanzania John Magufuli waxay cashar fiican u noqon kartaa Madxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waase haddii ay dhab ka tahay inuu hantida umadda ka weeciyo meelaha aan mudneyn ee lagu bixiyo, waxaana rajo badan laga qabaa in xafladu noqoto tan ugu kharashka yar.

HOOS KA AKHRI TALLAABOOYINKA KU DAYASHADA MUDAN EE MADAXWEYNE JOHN MAGUFULI


5 November, 2015 ayaa loo dhaariyay jagada madaxweynanimo ee dalka Tansaaniya. In ka yar shan bilood doorashadiisa ayaa waxa uu hadda dalka Tansaaniya ka wadaa wax loo yaqaano Ruwandeynta Tansaaniya (Rwandanisation of Tanzania), oo ah in dalka la gaarsiiyo heerka ay Bariga Afrika ka joogto Rwanda. Rwanda waxa ay kamid tahay dalalka uu aadka u koray dhaqaalahooda sanadadii lasoo dhaafay.

Tan iyo markii xilka madaxweynananimo loo dhaariyay, Magufuli, waxa uu bil gudeheeda ku muujiyay in wixiisu aanay hadal oo kaliya eheen, balse hadalku uu la socdo ficil iyo wax qabad.

Markii la doortay wax yar un kadib, Magufuli waxa uu iclaamiyay in wax xaflado oo loogu dabaal dagayo madaxbanaanida dalka aan la qaban doonin 9-ka December, oo ku beegan markii ay Tansaaniya xorrowday, maxaa yeelay ceeb ayuu ku tilmaamay in waxaas oo lacag ah xaflado lagu qarash gareeyo, iyada oo muwaadiniinta xiligaa ay la dhibtoonayeen shuban baahsan oo dalka ka jiray. Taa bedelkeeda maalinkaa waxaa loo asteeyay Maalin Nadaafad Qaran, lacagtii xaladaha dhanna waxaa loo weeciyay ilaalinta faya dhowrka.

Waxa uu booqasho ku tagay Isbitaal ku yaala dalkaas, xaalad aad looga naxo ayuu kusoo arkay, iyada oo bukaanada ay wadaagayeen sariiraha, qaarna ay dhulka iyo shamiidada jiifeen. Waxa uu amray in lacago fara badan oo loogu talo galay xisbiyada dalkaasi loo weeciyo isbitaalka, laguna soo iibiyo sariiro ay ku seexdaan bukaanada. Maalmo kadib, 300 oo sariir ayaa isbitaalka la geeyay, waxa uuna xilka ka qaaday dhammaan madaxdii isbitaalka maamulaysay. Waxa uu sidoo kale aad u dhimay lacagihii loogu talo galay xafladda xil wareejintiisa, isaga oo kasoo dhimay $100,000 oo doolar, kana dhigay kaliya $7,000 oo doolar. Lacagaha meeshaas kasoo baxay waxaa loo weeciyay isbitaalki.

Seddex bari markii uu xilka hayay, waxa uu mamnuucay dhammaan safarada aan aadka muhiimka u eheen, ee ay dibadda u aadayaan madaxda dalkaasi. Taa bedelkeeda, waxa uu amray in mas’uul walba uu booqdo baadiyaha iyo meelaha fog fog, xalna ay u raadiyaan dhibaatooyinka ay qabaan dadka reer Tansaaniya. Shaqooyinka dibadda la xiriirana, waxa uu tilmaamay in ay qabanayaan safiirada jooga dalalka howsha laga rabo.

Waxa uu mamnuucay dhammaan safarada ay ku baxayaan lacagaha qaaliga ah ee ay mas’uuliyiinta samaynayaan, marka laga reebo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo iyaga baratakool ahaan u baahan maamuus iyo amni gaar ah.

Waxa uu joojiyay tababarada, shirarka iyo siminaarada lagu qabanayo hoteelada qaaliga ah, taa bedelkeeda waxaa howshaas oo dhan lagu qabanayaa hoolalka dhismayaasha wasaaradaha iyo kuwa dowladda.

Waxa uu shaqada ka joojiyay, in baaritaan lagu sameyana uu amray madaxa hay’adda Tansaaniya u qaabilsan dakhliga iyo canshuuraha, kadib markii dekedda Daarasalaam, oo uu booqday Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi uu kusoo arkay musuq baahsan oo halkaa ka jiray.

Safar 600 oo kiiloo mitir ah, oo uu kaga baxayay caasimadda, kuna tagayay gobol kamid ah Tansaaniya, ayuu diiday in diyaarad gaar ah lagu qaado, taa bedelkeeda safar dhulka ah ayuu ku baxay.

Waxa uu balan qaaday in uu joojin doono qarashaadka faraha badan ee ku baxa mas’uliyiinta dowladda, la dagaalami doono musuq maasuqa, uuna xoojin doono isla xisaabtanka. Waxa uu ku cel celiyaa in la joogo waqtigii ay Tansaaniya hore u socon leheed.

Waxa aan rajaynayaa in hoggaamiyayaasheena ay wax badan ka baran doonaan Magafuli.


Warbixintan waxaa Qoray Kwame Gyan.
Waxaa tarjumay Aweys Xaaji Maxamed (Cadde)