Saturday, July 26, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Warbixin yaab leh ka qoray xaaladda Gobolka Gedo (Akhriso)

-

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa warbixin dheer oo yaab leh kasoo saaray xaaladda gobolka Gedo.

Qoraalka Maxamuud Sayid ayaa isugu jir eedeyn iyo dhibatooyinka Gobolka Gedo kasoo gaaray intii ay maamulayeen Shan Qof oo uu sheegay inay isugu jiraan Soomaaliy iyo ajnabi.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

“NIN ADDUUN JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN”

“Waxaa Layaab leh Maanta oo Aan joogno Qarnigii 21-aad In umad leh Siyaasiin, Hoggaan dhaqameed, Aqoonyahanno, Cullamaa’uddiin, Dhallinyaro, Ganacsato iyo Haween In ay Af-duubaan 5 Shakhsi oo isugu jira Soomali iyo Ajnabi, Kaddibna ay ku hogaamiyeen waddo Mugdi ah oo horey Ka xiran.

Waxaan Halkaan kula Wadaagayaa umadda Soomaaliyeed, Reer Jubbaland Iyo gaar ahaan Shacabka reer Gedo, Muddadii Labada Sano Ahayd oo Aay Shakhsiyaadka Aan kor ku soo xussay Qorshaha Gurracan ka fulinayeen Khasaaraha Kasoo gaaray G/Gedo.

1. Amniga waxaa burburay Qorshihii dhismaha Booliiska 600 Oo Askari oo UN-ka gacan naga siinayeen kaas oo markii la dhisay Xaradii lagu tababari lahaa Lana diyaariyey macalimiintii iyo Gaadiidkii la keenay Dekedda Mombasa Nasiib darro ay burburiyeen kuwaa Aan soo sheegnay.

2. Arrimaha maamulka waxay hor istaageen dhismihii Golayaasha Deegaanka oo ay Dadweeynaha soo dooran lahaayeen si degma kasta u hesho horumar dhinac kasta leh sida kaabayaasha dhaqaalaha, Adeegga bulshada, Amniga, Garsoorka iyo miisaaniyad dheelitiran mashruucaan oo lafulin lahaa 2020 ilaa bilawgii 2021.

3. Garsoorka waxaa socday lana meel marin lahaa dhismaha Garsoorka Heer degmo iyo heer Gobol Oo ay wadeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda.

4. waxaa lafulin waayey Dhismihii Koleejka macalimiinta B/dhere Ee ka dhaxeeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Jaamacaddii B/xaawo.

5. Waxaa lafulin waayey Qorshaha hergelinta magaalooyin Casri ah (master plan) iyo sharciyeenta Dhulka.

6. Waxaa lafulin waayay mashruuca dhismaha waddo laami ah oo isku xidho luuq iyo B/xawo.

7. Waxaa meesha kabaxay Qorshe lagu sameyn lahaa biya Xireenno Togogga waa weeyn ee biyaha Wabiga ku dara xiliyada Roobka si looga gaashaanto biya la ‘aanta xilliga Abaaraha.

8. Waxa Gabi ahaan 89% Gobolka ka joogsaday howlihii kala duwanaa Oo Aay wadeen Hay’adaha Samafalka waxayna u wareegeen Deegaannada kale ee Jubaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waayo Deeqbixiyeyaashu waxay ixtiraamaan Shuruucda Dalka u degsan.

9. Waxaa xusid mudan Mashaariicdii horomarineed iyo kuwa Xaaladaha degdegga ah ee sanadihii 2017, 18 ilaa 2019 Loo qoondeeyey Dowladda Jubbaland, G/Gedo wuxuu ka helay 67.8% ka fiiri Sanduuqa Dhaqaalaha Soomaaliya (SSF).

10. ugu danbeeyn Maanta Gobolka Gedo waxaa 83% Saameeyn ku yeeshay Al-shabaab oo mucaahado lagalay Beelaha Gobolka Degan waxayna la wareegeen Garsoorka, dhaqaalaha iyo dhismaha madax dhaqameed, fullinta tababaro iyo waxbarashada Xagjirnimada.

Howlwadeennada ka Amar qaata shaqsiyaadka shanta ah waxay ku howlan yihiin Qaadista canshuuraha Ay xaq u lahayn maadaama aysan haysan wakiilasho Dastuuri ah Af la’ gaadada iyo Borobogaandada lagu jahawareerinayo shacabka mana Arkaan Xaaladda Bulsho, Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Gobolka kajirta.

Walaalayaal maanta waan joognaa barito ma joogno aan kashaqeeyno wax adduun iyo aaqiraba noo wanaagsan, aan wada Noolaanno Annagoo kala aragti ah, aan wada hadalno oo Aan is qancinno”

W/Qoray: Maxamuud Sayid Aaden
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you