Tuesday, November 29, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Warbixin yaab leh ka qoray xaaladda Gobolka Gedo (Akhriso)

-

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa warbixin dheer oo yaab leh kasoo saaray xaaladda gobolka Gedo.

Qoraalka Maxamuud Sayid ayaa isugu jir eedeyn iyo dhibatooyinka Gobolka Gedo kasoo gaaray intii ay maamulayeen Shan Qof oo uu sheegay inay isugu jiraan Soomaaliy iyo ajnabi.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

“NIN ADDUUN JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN”

“Waxaa Layaab leh Maanta oo Aan joogno Qarnigii 21-aad In umad leh Siyaasiin, Hoggaan dhaqameed, Aqoonyahanno, Cullamaa’uddiin, Dhallinyaro, Ganacsato iyo Haween In ay Af-duubaan 5 Shakhsi oo isugu jira Soomali iyo Ajnabi, Kaddibna ay ku hogaamiyeen waddo Mugdi ah oo horey Ka xiran.

- Advertisement -

Waxaan Halkaan kula Wadaagayaa umadda Soomaaliyeed, Reer Jubbaland Iyo gaar ahaan Shacabka reer Gedo, Muddadii Labada Sano Ahayd oo Aay Shakhsiyaadka Aan kor ku soo xussay Qorshaha Gurracan ka fulinayeen Khasaaraha Kasoo gaaray G/Gedo.

1. Amniga waxaa burburay Qorshihii dhismaha Booliiska 600 Oo Askari oo UN-ka gacan naga siinayeen kaas oo markii la dhisay Xaradii lagu tababari lahaa Lana diyaariyey macalimiintii iyo Gaadiidkii la keenay Dekedda Mombasa Nasiib darro ay burburiyeen kuwaa Aan soo sheegnay.

2. Arrimaha maamulka waxay hor istaageen dhismihii Golayaasha Deegaanka oo ay Dadweeynaha soo dooran lahaayeen si degma kasta u hesho horumar dhinac kasta leh sida kaabayaasha dhaqaalaha, Adeegga bulshada, Amniga, Garsoorka iyo miisaaniyad dheelitiran mashruucaan oo lafulin lahaa 2020 ilaa bilawgii 2021.

3. Garsoorka waxaa socday lana meel marin lahaa dhismaha Garsoorka Heer degmo iyo heer Gobol Oo ay wadeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda.

4. waxaa lafulin waayey Dhismihii Koleejka macalimiinta B/dhere Ee ka dhaxeeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Jaamacaddii B/xaawo.

5. Waxaa lafulin waayey Qorshaha hergelinta magaalooyin Casri ah (master plan) iyo sharciyeenta Dhulka.

6. Waxaa lafulin waayay mashruuca dhismaha waddo laami ah oo isku xidho luuq iyo B/xawo.

- Advertisement -

7. Waxaa meesha kabaxay Qorshe lagu sameyn lahaa biya Xireenno Togogga waa weeyn ee biyaha Wabiga ku dara xiliyada Roobka si looga gaashaanto biya la ‘aanta xilliga Abaaraha.

8. Waxa Gabi ahaan 89% Gobolka ka joogsaday howlihii kala duwanaa Oo Aay wadeen Hay’adaha Samafalka waxayna u wareegeen Deegaannada kale ee Jubaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waayo Deeqbixiyeyaashu waxay ixtiraamaan Shuruucda Dalka u degsan.

9. Waxaa xusid mudan Mashaariicdii horomarineed iyo kuwa Xaaladaha degdegga ah ee sanadihii 2017, 18 ilaa 2019 Loo qoondeeyey Dowladda Jubbaland, G/Gedo wuxuu ka helay 67.8% ka fiiri Sanduuqa Dhaqaalaha Soomaaliya (SSF).

10. ugu danbeeyn Maanta Gobolka Gedo waxaa 83% Saameeyn ku yeeshay Al-shabaab oo mucaahado lagalay Beelaha Gobolka Degan waxayna la wareegeen Garsoorka, dhaqaalaha iyo dhismaha madax dhaqameed, fullinta tababaro iyo waxbarashada Xagjirnimada.

Howlwadeennada ka Amar qaata shaqsiyaadka shanta ah waxay ku howlan yihiin Qaadista canshuuraha Ay xaq u lahayn maadaama aysan haysan wakiilasho Dastuuri ah Af la’ gaadada iyo Borobogaandada lagu jahawareerinayo shacabka mana Arkaan Xaaladda Bulsho, Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Gobolka kajirta.

Walaalayaal maanta waan joognaa barito ma joogno aan kashaqeeyno wax adduun iyo aaqiraba noo wanaagsan, aan wada Noolaanno Annagoo kala aragti ah, aan wada hadalno oo Aan is qancinno”

- Advertisement -

W/Qoray: Maxamuud Sayid Aaden
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliska Booliska oo shaaciyey Tirada Alshabaab ee weerartay Hotelka Villa Ros & Qasaaraha

Taliska Booliska Somaaliya ayaa shaaciyey in lasoo gabagabeeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Villa Ros ee saaran xarunta Madaxtooyada Somaliya. Afhayeenka Booliska Korneyl Sadiiq Aadan...

Wasiir Aden Aw-Hersi: “Albaab danbe ayaan jebinay, meel hal qof qaada ayaan iska sugeynay..”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Aadan Aw Xersi oo ka mida dadkii ka badbaaday weerarkii xalay Alshabaab ku qaadeen Hotelka...

Xasan Sheekh: “Waxaan dhiirigelinayaa maalgashiga Dalkayga, haddana caqabada argagixisada..”,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu garowsan yahay caqabadaha heysta dalka...

MD. Xasan Sheekh oo Shir ka furay Muqdisho xilli Alshabaab ku jiraan Hotel u dhow xaruntiisa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Shirkan ayaa kusoo beegmay xilii uu...

Su’aalo ka dhashay Weerarkii Alshabaab ee Hotel Villa Rossa iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu weli socdo dadaalka lagu doonayo in dableydii Alshabaab laga sifeeyo Hotelka Villa Ross ee magaalada Muqdisho. Weerarka...

Rasaas Weli ka socota Hotelka Villa Rosa ee Xeydaabka Madaxtooyada iyo Dad ku dhintay…

Rasaas ayaa weli laga maqlayaa Saqda Dhexe kadib, iyadoo ay weli Hotelka Villa Rosa ay ka dhex dagaalamayaan Dabley ka tirsan Alshabaab oo...

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Weerarka ka socda Hotel ku dhow Villa Somaliya

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saacado kadib warkii ugu horeeyay oo rasmi ah kasoo saaray weerarka caawa ka socda Hotelka Villa Rosa ee ku...

XOGAHA QARSOON

Qarinta xaqiiqada Qasaaraha: Dagaalka Warbaahinta ee Dowladda Federaalka iyo Alshabaab

Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka Warbaahinta ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Alshabaab, kaasoo barbar socda dagaalka tooska ah ee ka socda Gobollada Galgaduud,...

Maxay Xasan Sheekh oo 6 Bilood ugu qaadatay inuu bedelo Gudoomiye ku xigeenada G/Banadir?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, iyadoo ay 6 bilood ku qaadatay. Xogta laga helay...

Xog laga helay Socdaalka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uga bilowday Dalka Eritrea

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya uga bilwoday maanta dalka Eretria oo ah kii labaad oo mudd 4 bilood gudahood ah...

Wasiirka Bartoolka oo Qirtay inaan wax weyn laga bedelin Heshiiska Shidaalka ee muranka dhaliyey

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijijey inaysan jiirn wax weyn oo laga bedelay heshiiskii Shidaalka ee dowladda Soomaaliya la gashay...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!