Tuesday, June 24, 2025

Magacyada qaar kamida saaxiibadii madaxweynaha oo mucaarad isku bedelaya (Xog)

-

Qaar ka mida saaxiibadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee kala shaqeeyay mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa isu diyaarinaya inay dhinaca kale kasoo jeestaan kadib markii rabitaankooda ugu muuqday mid ay ku hungoobeen, qaar kalena waxay ku hanjabeen iney ka baxayaan isbaheysigii ay madaxewynaha la lahaayeen haddii jagooyinkii loo balanqaaday ay heli waayaan.

SACIID DENI, UBAX TAHLIIL, C/RASHIID XIDDIG
SACIID DENI, UBAX TAHLIIL, C/RASHIID XIDDIG

Xubnaha mucaaradka isku bedelay ama sida weyn uga aamin baxay madaxweynaha iyo kooxdiisa waxaa ka mida:

1. Xuseen Cabdi Xalane: Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumadii dhacday oo tiro aan yareyn lagu war geliyay in loo magacaabayo ra’iisal wasaare kadibna looga baxay. Masuulkan wuxuu si weyn uga carooday isbedelka aan yareyn ee madaxweynaha iyo kooxdiisa, wuxuuna talo ku qaatay inuusan xitaa ka mid noqon Golaha wasiirada oo dalka isaga anbabaxo marka uu xilka wareejiyo.

Waxaa sidoo kale Xuseen Cabdi Xalane ku wehliya arrintan beesha uu ka soo jeedo oo kala bar ku taageersanayd madaxweynaha ridista xukuumadda C/weli, waxaana hormuud  u ahaa Xildhibaan C/rashiid Xidig oo jab weyni ka soo food saaray dhinaca madaxweynaha markii xilka Ra’iisal wasaaraha loo badiyay in loo magacaabayo Cumar C/rashiid.

2. Saciid C/llaahi Deni: Wasiirka Qorsheynta xukuumadii dhacday wuxuu saaxiib  la ahaa madaxweynaha isagoo kala shaqeeyay mooshinka lagu riday xukuumadiisa, wuxuuna markii hore rajo ka qabay in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxay xaaladiisu xumaatay markii Cumar C/rashiid khadka soo galay, waxaana u caddaatay haddii la magacaabo Cumar oo ay jufo hoose isku yihiin inuu xitaa weyn doono wasiirnimo, wuxuuna ka mid yahay xubnaha boorsooyinkooda ka qaadan doona Muqdisho.

3. Ubax Tahliil Warsame: waa xildhibaanad si weyn u taageersaneyd madaxweynaha oo balanqaadyo badan ka heysata, waxayna madaxweynaha kula talisay inuu jagada Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Saciid Jaamac Qoorsheel wasiirka gaadiidka, wuxuuna madaxweynaha u muujiyay inuu rabitaankeeda u yeeli doono. Xildhibaannada oo aan dab yar shidin ayaa hadda dadaalkeedii noqday Hal bacaad lagu lisay, waxayna u diyaarsan tahay inay loolan la gasho madaxweynaha iyo kooxdiisa.

4. Daahir Amin Jeesow: Xildhibaan safka hor uga jiray mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli, wuxuu ku hanjabayaa haddii isaga la siin wasiirka beeshiisa ku soo aadaya ama loo magacaabin inuu dhinaca kale u wareegi doono.

5. C/qaadir Cosoble: Xildhibaan kale oo si weyn uga dhex muuqday kooxda taageersan madaxweyne isla markaana la siiyay balanqaadyo aana yareyn, balse weli kalsooni xumo u muuqato, isaguna wuxuu qarka u saaran yahay inuu meeshiisii ka wado mooshinkii casilaadda madaxweynaha haddii aan wasiir loo magacaabin.

Waxaa jira saaxiibo kale oo madaxweynugu lahaa oo  iyaguna ku rajo in ra’iisal wasaare loo magacaabayo Cumar C/rashiid, waxaana kooxda madaxweynaha laga sugayaa sidii ay xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub ka yeeli doonaan, haddiiba ay suuragasho inuu shuruudahooda aqbalo Cumar C/rashiid (akhri Shuruuda ku xiran magacaabidiisa).

Goobjooge.com

London

[ad name=”HTML”]

 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you