Tuesday, July 1, 2025

Maxaa ka careysiiyay Wasiir Dubbe? (Qormo Jawaab ah weriye Bulbul)

-

(Fallaar gilgilasho kaagama harto)

Waa shaqada suxufiga inuu su’aal kasta oo dhageystayaashu doonayaan uu u helo jawaab. Waxaana fursadda ugu wanaagsan aad heysataa marka uu ku horyimaado qof masuul ah.

Ka sokow inuu been abuur cad uu noogu sheegay shirkiisa jaraa’id oo ay ka mid tahay inuu si khalad ah u fasiray war murtiyeedkii Midowga Afrika (oo uu ka leexiyay nuxurka jumladdii ku saabsaneyd ergeyga Midowga Afrika ee dhexdhexaadin doona qeybaha siyaasadda Soomaalida ee is haya.

Aniga waxaan Wasiir Dubbe weydiiyay labo su’aal oo aan muhiim u arkay aniga inuu ka jawaabo, kuwaasoo kala ah sidan:

1-Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera Soomaaliya iyo Musharixiinta raadinaya in ay u tartamaa Madaxweynenimada Soomaaliya weey kasoo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo, suuragal matahay in mar kale teendhada lagu laabto, muxuuna yahay qorshahiina?

2-Haddii aad ku adkeysataan go’aanka muddo kordhinta, dalkana uu rabshado galo yaa qaadaya masuuliyadda ka dhalata?

Waa labadaas su’aal kuwa dhiigga ku kariyey Dubbe, oo runtii u muuqday nin aan heyn wax ka badan inta yar ee uu waraaqaha ku soo qortay, iskana dhigay inuu aniga i weerari karo!!

Fallaar gilgilasho kaagama harto, anaga saxaafad ahaan waxaan la taagnaan doonaa su’aalo adag ee yaan dhiigkar la qaadin.

W/Qoray: Wariye Mohamed Bulbul

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you