Friday, July 11, 2025

Maxaa ka danbeeya Dhaarta Xuutiyiinta Yemen ee Berbera & fashilka Isbaheysiga Sacuudiga..? (Qormo Xiiso leh)

-

“In aan guulaysanayo waxaan ku gartay in aysan Sacuudi ila jirin”. Hadalkaas waxaa laga xigtay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax 1994, marki uu hogaaminayey dagaalkii Koofur iyo Waqooyi ee midnimadii Yemen, xiligaas oo la weydiiyey; Koofurtu waa idinka hub badanyihiin, waana idinka tababar fiicanyihiin ee sideed uga guuleysan kartaan? Wuxuu ku jawaabay Sacuudiga ayaa iyaga la jirto, cid ay la jiraana wiligeed ma guuleysan.

3 sano ka hor ayey Sacuudi iyo Imaaraat dhiseen Isbahaysi Ciidan Caalami ah oo Sunni ah si ay uga xoreeyaan Caasimada Sanca ee Yemen Jabhada Shiicada ee Xuutiyiinta oo Sacuudiga iyo Imaaratku horey ugu taageeren ilaa 2 Billion$ qabsashada Caasimada si ay uga takhalusaan dawladii sharciga aheed ee Haadi iyo Xizbiga Islaax oo ahaa kan ugu shacbiyada badan Yemen, iyaga oo rabay in ay xukunka ku soo celiyaan Reer Saalax oo lagu riday Kacdoon Shacbi 2011 oo uu abaabulay Xizbiga Islaax.

Nasiib darro 3 kadib markii la burburiyey dalkii Yemen; dawladiisii iyo midnimadiisii lana gaarsiiyey halkii aan joognay 1992; dagaal sokeeye, jabhado, mooryaan, gaajo, jahli, daacuun, qax, barakac, xadgudub iwm, lana dilay Cali C. Saalax oo filayey saacado ka hor dilkiisa in Sacuudi iyo Imaaraat xukunka dib ugu soo celin-doonaan.

Dhibaatadaas iyo khasaarahaas kadib ayey kusoo laabteen halkii ay ka bilaabeen 7 sano ka hor markii Bin Salmaan iyo Bin Zaayid la kulmeen hogaanka Xizbiga Islaax, kana codsadeen in ay dib uga xoreeyaan Xuutiyiinta dalka Yemen, taageerana siiyaan goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Sidii Kacdoonkii Maxkamadihii Somaliya 2006, markii ay qabsadeen Koofurta ayna dejiyeen soona celiyeen kala danbeyntii iyo nidaamkii ayaa xoog iyo isbahaysi lagu riday, 3 sano kadib ayaa dawladii oo dhan loo dhiibay iyaga oo aan soo celi karin nidaam, kala danbeyn, midnimo iyo dawlad nimo, magac mooyee!.

3 kadib ayey Xuutiyiintu ku guuleysteen in ay Sawaariikh ku garaacaan Riyadh, Abu dhabi iyo Hageysana ugu hanjabaan in ay garaaci doonaan hadii ay faraha kala bixi waayaan arimaha Yemen, ayna haystaan Sawaariikhda Palastiya oo ay ku garaaci karaan Hargeysa iyo Berbera iyaga oo gacan ka heli doona dawladaha Iiraan, Carab iyo Afrikaan ba.
2 sano ka hor markii Saldhiga Berbera lagu wareejiyey dawlada Imaaraatka ayey ka digeen khubaro Milatery in Saldhigaas uu saameyn ku yeelan-doono dagaalka Yemen, khatarna ku noqon karo midnimada iyo xasiloonida gobalada Somaliya.

Hadaba ma laga yaabaa hadii Siyaasiyiinta ay taageeraan Saciidiga iyo Imaaraatku ay guuleysan waayaan in ay dib u dhisaan Jabhado hubeysan sida; Yemen, Liibiya, Suuriya, Ciraaq iwm?.

Waxaa haboon kana sugeynaa dawlada Federaalka iyo Somaliland in ay ka jawaabaan hanjabaada Xuutiyiinta iyo faragelinta Carabta, iskana kaashadaan inta aan dib loo burburin wixii yaraa ee dib loo dhisay 25 sano, kuna cibra qaataan waxa ku dhacay waalahood Yemen.
“Geeridii galbeed laga sheego, gondahaaga ka eeg”.

W/Q: Maxamed Nuur Gacal

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you