Monday, July 14, 2025

Maxaa ka dhacay Mogadishu Book Fair? [Imaatinkii Kheyre ma ahayn mid kheyr badan-Qormo ]

-

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa galabta tegay Bandhigga 4-aad Carwada Buugaagta Muqdisho, waxaana dad fara badan oo goobtaasi ku sugnaa loola dhaqmay si aan loo arag oo bahdilaad ah, markii dibadda looga saaray hoolka, kuwii ku socdayna laga xiray wadooyinka.

Dad badan ayaa baraha bulshada uga haday wixii ka dhacay galabta hoolka Sahal ee KM4, iyadoo si weyn u naqdiyey qaabka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo ilaaladiisa ula dhaqmeen dadkii goobta ku sugnaa iyo kuwii ku sii socday, iyadoo qaarkood ay ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo.

Waxaan soo qaadaneynaa qormo kooban oo uu dhacdadii maanta ka qabsaday ka qoray ustaad C/casiis Gurbiye, tasoo ku bilaabtay: 

Ra’isul Wasaare Kheyre…Ma Yahay Waxa Laga Dhigayo?! Mise Waa Naga Hartey Waa “common man,”!!

Mogadishu Book Fair sanadkan waa ka amni badnaa sanadihii hore. Sahal oo ah goobta lagu qabanayey waxaa qofka intaanu gelin Hoolka la dhex marinaa mashiinka qeyliya! labadii Maalin ugu horeysay oo aan tagay xataa suunka iyo saacadaha waan bixinnay!

Inta aanu maanta Kheyre tagin waxaa uga horeeyey dad muhiim ah sida Ra’isul wasaare ku-xigeenkiisa Mahadi, duqa magaalada Yarisow iyo gudoonka aqalka sare. Ajaanib, Xildhibaannada labada aqal, wasiirro iyo shakhsiyaad maamuus badan ayaa tegay maalmahan. Runtii dadkooda ayey ka mid ahaayeen, oo baaritaanna ma jirin, cid ku mashquushana ma leh, oo howshii ay u tageen waa soo guteen, waana soo baxeen buuq la’aan!

Laakin galabta imaatinka Kheyre ma aheyn mid Kheyr badan, mid ceebeed ayuu ahaa! Horta markii hore Kheyre liiska rasmiga maba ku jirin oo madaxweynaha ayaa xiritaanka lahaa, laakin safar ayuu jiraa. Haddii badal laguugu keenay cayaarta ma inaad haleysaa, oo dadka in dibadda loo saaro, la baaro oo la bahdilaa..?! Waa yaabe maxay tahay waxa uu heysto oo aaney heysay madaxdii maalmahan tageysay..?! Waa su’aale maku saxnaa inuu bahda qalinleyda, aqooyahanada iyo bahda waxbarashda sidan loo bah dilo?!! Aawey fikraddii la iibin jiray ee aheyd waa nin caadi ah oo dadkiisa ka mid ah?

Image may contain: one or more people, crowd, basketball court and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, sky, crowd and outdoor

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you