Sunday, July 13, 2025

Maxaa ka dhaxeeya Kutlooyinka Badbaadada Barlamaankii 2018 & kan 2014-ka..? [Kaptan Carte Vs Kaptan Khadiija M. Diiriye]

-

“Caawa maxaa uga eg Xalay” “Awrka yar wuxuu leeyahay saan-qaadka kan Weyn” “Waa maadeys adduunyadu dadkuna way matalayaan”.

Barlamaanka Somaliya, gaar ahaan 5 tii ugu danbeysay waxaa soo maray; khilaaf, is qab-qabsi, buuq, kala qeybsanaan, Mooshino iyo bur-bur ku dhammaan jiray: ridis iyo dhisid Xukuumado, Madaxweyne iyo Gudoomiye iwm. Sanad kastana Khaatuma xumo ayuu ku dhammaa jiray oo ah in la xiro ama la hakiyo hawlihiisa sida:

1. Barlamaankii Carte 2000, oo sanadkii ugu danbeeyey ku dhamaaday khilaaf lagu kala aaday Eldoret iyo Muqdisho.

2. Barlamaankii Embagathi 2004, oo ku bilowday Jawhar iyo Xamar, kuna dhamaaday Asmara iyo Muqdisho.

3. Barlamaankii Jabuuti 2009, oo ku dhamaaday Qunful Xaruntiisa iyo Kampala Accord.

4. Barlamaankii Muqdisho 2012, oo ku dhamaaday hawl-gab lagu bedelay Golihii Madashii Badbaado Qaran iyo Gudoomihii Barlamaanka oo xubin ka noqday kadib markii uu hakad geliyey hawlihii Barlamaanka.

5. Barlamaanka Maamul-gobaleedyada 2016, oo sanad kadib isku bilaabay khilaaf aan la ogeyn qaabka uu ku dhammaan-doono 3 sano kadib.

Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa laba Kutlo oo ka kala tirsanaa Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, dhinacyada ay isaga eg-yihiin ama ay ku kala duwan-yihiin;

A. Kutlada Xalay lagu dhawaaqay ee la magac baxday “Badbaadada Barlamaanka” ee difaaceysa Guddoomiye Jawaari uuna hogaaminayo Mudane M. Cumar Carte.

B. Kutladii Badbaado Qaran ee 2014, oo difaaceysay Xukuumadii Ra’iisal wasaare  Cabdiweli Sheekh, ayna hogaaminayeen Senator Dhegdheer iyo Senator Jurrile.

Xagga ay isaga ekaayeen labada Ciyaartoy!.

1. Magaca Badbaado iyo Tirada Ciyaartoyda ka wada tirsanaa.

2. Gudoomiye Jawaari oo Jilaa ka wada ahaa labada Ciyaar.

3. Qabyo oo Ciyaartoy ka wada aheyd labada Ciyaarood iyo labada Garoon.

4. Xukuumaddii RW Cabdiweli iyo Xukuumadda RW Khayre oo ka kala ahaa Difaac iyo Weerar.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka kala ahaa Kaptan iyo Gool haye..

6. Carte iyo Dhegdheer oo wada ahaa kaaliyaal Difaac adag lkn la jebiyey difaacii Dhegdheer, halka aan weli la ogeen difaaca Carte???.

7. Beesha Xalane oo isku day’day in ay labada Ciyaarood Arbiter ka noqoto lkn loo wada diiday.

8. Labada kooxood oo ku wada ciyaarayey garoonka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadk lkn ku kala duwanaa; dharka, kubbaddaha, calamada, kaptanada, aarbiitarada iyo taageera-yaasha.

9. Ciyaartoyda labada koox oo mar kasta ka yimaada; 2 Beel, 2 Deegaan, 2 Xizbi, 2 Jilayaal lkn Taageere-yaasha iyo Daawada-yaasha ay kala duwan-yihiinn.

10. Xilliga Ciyaarta oo mar kasta kusoo beegma sanadka 2 aad markii taba-barka loo xiro Kaptanada cusub.

Hadaba maalmaha soo socda waxaa noo bilaabanaya Ciyaar adag oo dhex mari doonta laba kooxood oo aad u culus aadna u tababaran lehna Ciyaartoy kayd ah iyo Taageerayaal jidbeysan oo ay kala hogaaminayaan; Kaptan Carte iyo Kaptan Khadiija M. Diiriye, waxaana sugeynaa Gool ka ugu horeeya iyo Dhibcaha ugu danbeeya ee la kala helo iyo sida ay ugu qanciyaar Taageerayaasha!.

W/Q: Maxamed Nuur Gacal
wasiiru dowlihii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you