Monday, July 14, 2025

Maxaa ka dhexeeya Qaraxii 14 October & furitaankii Saldhiga Turkiga ee Muqdisho September 30..?

-

Laba maalin kadib Qaraxii October14 ayey sheegtay Laanta Afsomaliga ee VOA War ay kasoo xigatay Laamaha Sirdoonka oo sheegaya in Qaraxa loo waday Saldhiga Tababarka Ciidamada Somaliya ee Dawlada Turkey ka Furtay Muqdusho 30 September 2017, kadib Asbuuc Qaraxii ayey Warbaahinta Jazeera, Turkey iyo Caalamku wada sheegeen in Wararkaaas laga helay Laamaha Sirdoonku ay jiraan!.

Qormadaan kooban waxaan ku iftiiminaynaa Xiriika Somaliya & Turkey.

Dawlad kasta oo Caalamka ka jirta waxey ku tiirsantahay Dawlad ama Dawlado kale oo ka weyn dhanka awoodaha Ciidan, Dhaqaale, Aqoon iwn. Dawlad ama Dawlado kasta oo la dagaala Dawlad kale waxey jecelyihiin ama ku dadaalaan in la wada Go’doomiyo Dawladaas.

Somaliya waxey Boqortooyadii Cusmaaniyada ee Turkey ku tiirsaneed Qarnigii 18 aad iyo kasii hor intii uusan soo gelin Isticmaarkii reer Galbeedka Qarnigii 19 aad, waxeyna ka taageeri jirtay dhinacyada Horumarinta iyo Melateriga sida ku cad Taariikhda weli la xasuusto ee muuqata sida; dhismooyinka Biya-gelinta Berbera, Magaalooyinka Xeebaha Badweynta Hindiya iyo kaalmadii Meleteri ee Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed.
Somaliya markii Isticmaarka reer Galbeedku Qabsaday, Boqortooyadii Cusmaaniyaduna dhacday Turkey mudo Qarni ku dhaw ayey ku koobneed Qowmiyada Turkey kaliya.

Somaliya markii ay Xorriyada qaadatay 1960, iyada oo aan heysan Ciidan, Dhaqaale iyo Aqoon ku filana dhismaha iyo difaaca Dawlad-nimada, kuna taala Mandiqada Geeska Afrika oo ay wada damcayaan; Afrikaan, Carab iyo Isticmaarkii reer Galbeedka oo ogaaday Khayraadka iyo Ahmiyada Somaliya.

Madaxdii Somalida xilligaas ay Hogaaminayeen M. Aadan Cadde iyo RW. Cabdirashiid AUN markii ay akhriyeen Khatarta ku gadaaman iyo Arxan la’aanta deriska Afrika, Carabta iyo gacan-bidixeenta reer Garbeedka ayey heshiis Taariikhi ah oo loo aayey lasoo galeen Midawgii Sofeeti, waxaana la dhihi karaa waa kan kaliya ee noo reebay Raadka iyo Magaca aan ku kasbanay Dawlad-nimada 1960 ilaa 1978, markii uu heshiiskaas noogu dhismay Ciidankii ugu Tayada badnaa Afrika iyo Hay’adihii kaabiyaasha Dawlada. 1978 ilaa 2017 waxaan dib ugu laabanay reer Galbeed, Carab iyo Afrika ay hogaaminayso IGAD.

Turkey Qarni kadib waxey Somaliya dib ugu soo laabatay 2011 kadib Musiibadii Abaartii ay dadka badan ku dhinteen;

1.- 2011 waxey kusoo gashay Gurmad Bani-aadam-nimo iyo ka jawaabida Saameyntii Musiibadii Abaarta, waxaa ka carooday Hay’adihii Gargaarka reer Garbeedka ay horkacayeen laamaha UN ka,: iyaga oo Caalamka u sheegi jiray in Somaliya ay tahay lama Galaay aan la tegi karin, wixii la siina-yana iyaga loogu dhiibo, kadib furitaankii M. Ordogan waxey qaadeen Colaad ah Iskaashiga Turkey-Somali!

2.- 2012 waxey bilaabeen Mashaariic horumarin sida; dhismaha Laamiyada, Isbitaalada, Iskuulada, Jaamadaha iwm. Waxaa ka carooday Carabta oo ay hogaaminayeen Khaliijka, oo aduunka ugu faani jiray in Somaliya ay ka wadaan Mashaariic horumarineed!.

3.- 2017 waxey fureen Saldhig dib loogu dhisayo Ciidankii Qaran ee Somaliya waxaa ka wada carooday oo hal mar ka wada qeyliyey reer Galbeed, Afrika iyo Carab sida aan ka dhageystay Dawlada Masar oo leh Amnigii Carabta ayaa Khatar ku jira!

Hadaba Qaraxyada iyo Dilalka Turkey ee Shabaab horey ayuu u jiray sidii isku daygii dhawr-jeer ee Safaarada iyo Diraarada Turkey iyo dilalkii Engneerada, Dhaqaatiirta iyo Samafalayaalkii lagu dilay Somaliya gaar ahaan Muqdisho. Lkn midkaan aad ayuu uga cuslaa kuwii hore, waana tan keentay shakiga ah in uu ka culus-yahay fal Shabaab kaliya.

Hadaba arimahaan ma keeni karaan in xiriirka labada Dal iyo labada Hogaan ay ka dhigto mid Adag oo sii Xoojiya Iskaashiga iyo iska Caabinta Cadawga diidan Horumarka iyo Iskaashiga labada Dal..?

W/Q: Maxamed Nuur Gacal

Wasiiru dowlihii hore arrimaha dibadda Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you