Thursday, February 26, 2026

Maxaa ka hortaagan Ra’iisal Wasaare Kheyre inuu sababeeyo xil qaadista furan ee Wasiirada Xukuumadiisa?

-

Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay.

Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda. Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta.

Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay.

Dadweynuhu ma oga sababta

Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?.

Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo.

“Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri.

Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay.

Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday.

“Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey.

Sababta xil ka qaadidda wasiirrada

Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri.

Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen.

Mala oran karaa waa falsafad siyaasadeed oo u degan dowladda hadda jirta?. Taasi waa su’aal aanan durba laga jawaabi karin, maluhuna waqtiga ka jawaabi doono.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you