Thursday, August 28, 2025

Maxaa ka jira in Guddoomiye Jawaari lagu qasbay Shirkii jaraa’id ee maanta..? [Akhriso Warbixinta C/raxmaan C/shakuur]

-

Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta keentay ee loogu baahday inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ee xilka iska casilay maanta saxaafadda kula hadlo xarunta Madaxtooyada.

Su’aasha ayaa ka dhalatay iyadoo balanqaad hor uu ka baxay Guddoomiye Jawaari, isla markaana ay jirtay cabsi ku saabsan inuu khubadda Berri u dhacdo si ka duwan is-casilaad, waxayna arrintan ka dhex muuqatay shirkii Jaraa’id oo Jawaari aanu ku soo hadal qaadin Madaxweynaha garabkiisa taagnaa.

Siyaasiga C/raxmaan  C/shakuur ayaa warbixin yaab leh ka qoray shirka jaraa’id ee Guddoomiye Jawaari ku qabtay Villa Somalia xilli lagu balansanaa kulanka Berri ee Baarlamaanka.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA C/RAXMAAN C/SHAKUUR

Saaxibkeey ayaa i waydiiyey muxuu Jawaari shirka jaraa’id ugu hordhacay kulanka uu Baarlamaanka beri ugu balansanaa. Waxaan ku iri waxaan ka mid ahaa 6 ruux oo labo Ajnabi tahay (Museveni iyo Mahiga) oo qayb ka ahaa wadahadalkii ka dhacay Madaxtooyada Uganda ee lagu go’aamiyey in Farmaajo xilka Raysalwasaare looga qaado 2011kii.

Shir habeeno socday ka dib ayuu Madaxweyne Shariif go’aansaday in Farmaajo iscasilo. Farmaajo wuxuu soo yimid Kampala. Wadahadal saacado qaatay ka dib oo isaga Sheikh Shariif dhexmaray ayuu ku aqbalay in uu iscasilo. Xiligaas waxaa taagnaa loolan Xukuumada iyo Baarlamaanka u dhexeeyey. Farmaajo markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayuu damcay in uu ka laabto balantii uu Kampala ku soo qaaday, laakiin ugu danbayntii cadaadis dhinacyo kala duwan kaga yimid ayuu ku aqbalay. Habeenkii heshiiska la saxiixayey ayaa la isku soo qaaday in Farmaajo dhinaciisa ka saxiixo heshiiska, laakiin wuxuu ku adkaystay in aan loo baahnay, isaguna nin qowl leh yahay.

Saxiibkeey waxaan ku iri waxaa laga yaabaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka shakiyey Jawaari in uu war kale beri la soo shirtago, sababtoo ah Jawaari intii uu hadlayey marna ma xusin kaalinta Madaxweynaha, uma mahad celin, magaciisana sooma qaadin. Odaygu uma ekayn nin ku qanacsan in uu maanta hadlo.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you