Saturday, August 23, 2025

Maxaa kala qabsaday Duqa Muqdisho Taabit Cabdi iyo muwaadin Baad ah ka qaateen ciidanka Dowladda ?

-

Xasan Macalin Yuusuf waa muwaadin Soomaali ah oo kunool xaafadda Buula-Xuubeey ee dagmadda Wadajir, wuxuu halkaas dagan yahay mudo dheer waxaana uu asbuucan la kulmay sheeko isagu uu qaadan waayay hadana dhinaca kale uu ku tijaabiyay halka ay maanta joogto Dowladnimada Somalia.

Mr Xasan iyo qoyskiisu waxaa ay guri ku lee yihiin Buula-Xuubeey, asbuucan waxaa aabihiis Macalin Yuusuf uu damacsanaa inuu dayactir ku sameeyo guriga waxaase sidii caadadda ka aheyd Xamar xiliyadii dambe goobta yimid askar Dowladda ka tirsan oo caado ka dhigtay iney lacago sharaci daro ah ka qaataan dadka doonaya iney guryo dhistaan ama casriyeyaan midkoodii hore.

Waxaa ay ahaayeen labo askari oo hubeysan iyo labo ka tirsan waaxda canshuuraha ee Dowladda hoose ee Xamar, waxaa ay u sheegeen aabahey inuu bixiyo lacag dhan $200 (labo boqol oo dollar ) hadii uu rabo inuu dayactirto guriga ayuu igu yiri Xasan oo aan xalay kula kulmay Muqdisho.

Lacagta ay codsadeen oo badneyn awgeed waxaa goobta ka dhacay buuq ilaa ay askartu joojisay shaqadii guriga laga waday iyagoo u hanjabay shaqaalihii dhismaha waday, Xasan iyo aabihii Macalin Yuusuf waxaa ay isku raaceen iney lacagta bixiyaan si shaqadda loo qabto waxaase labadooduba ay qaadan waayeen markii boonadii lacag qabashada loogu qoray iney bixiyeen $10 (Toban dollar), taas oo ka dhigan in si baad ah looga qaatay $190 (boqol iyo sagaashan dollar) .

“Aadbaan u carooday, waxaan la yaabay heerka musuqa iyo naxariis daraddu ay gaartay, waan qaadan waayay arintaan oo dhowr jeer oo hore la iiga sheekeeyay iney dad kale ku dhacday, waxaan is weydiiyay inta guri ee Muqdisho ku taala ee maalin walba sidaan loo baado waxaase ugu dambeyn aan nafteyda u sheegay in gobalka Banaadir madax looga dhigay Taabit Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo laga yaabo inuu wax ka qabto hadii aan u sheego arinkaan ayuu hadalkiisa ku daray Xasan.

“Ma heynin meel aan kala xiriiro Taabit mana u laheyn aqoon shaqsi ah waxaase igu soo dhacay nin Cali la yiraahdo oo aan iskuulka wada dhigan jirnay oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, waan wacay waxaan ka codsaday inuu ii raadiyo nambarka gudoomiye Taabit isna waa ii helay, waxaan kadib is weydii hadii uu ka jawaabi doono teleefoonkeyga madaama madaxda Soomaalida lagu eedeeyo iney ku liitaan xiriirka bulshadda waxaanse go’aansaday inaan fariin qoraaleed u diro , saacaddu waxa ay aheyd 10:00pm habeenkii Arbacadda waxaana u qoray “Mudane gudoomiye waxaan ahay muwaadin Soomaali ah oo kunool Muqdisho waxaan rabaa inaan kaala hadlo arin muhiim ah hadii ay macquul tahay “ Xasan ayaa sidaas iigu sheekeeyay.

“10 daqiiqo uun kadib la yaab ayey igu aheyd in jawaabta gudoomiye Taabit ay noqotay inuu toos iisoo waco waana qaadan waayay in musuuliyiinta Soomaalidu ay sidaas ugu dabacsan yihiin bulshadda, waan salaamay kadib waxaan u sheegay wixii maanta aabahey qabsaday ,waxaan u sheegay inaanan ka guban lacagta qoyskeena laga qaatay laakiin aan ka xumaaday in maalin walba ay arintaan dhacdo anagoo dareemi karna in maalintii wax ka badan 300 oo guri Xamar lagu dayac tiro taas oo ka dhigan in maalin walba 300 oo muwaadin la baado”.

“Waxaan ku irri waan garanaya ragga falkaan sameeyay, waxaan heynaa nambarkii aan lacagta ugu tuurnay waxaan kaloo aqanaa saldhiga ay ka tirsan yihiin, Taabit wuxuu ii muujiyay sida uu uga xun yahay falkaan wuxuushnimada ah wuxuuna iga codsaday inaan subixii ugu imaado xafiiskiisa saacadu marka ay tahay 8:30am aana ahay qofka ugu horeeya ee uu qaabilaayo maalinkaas.

“Dad asxaab iyo ehel ii ah waxey igula taliyeen inaan faraha kala baxo kiiskaan iyagoo ka baqaaya in dhibaato amni iga soo gaarto laakiin waxaan u sheegay in xaqa aan laga aamusin, Subixii Khamiista waxaan tagay xarunta Dowladda hoose ee Xamar liiska albaabka yaala ee martida maalinkaas waxaa ugu horeeyay magaceyga ,aadbey arintaas ii farxad galisay waxaana dareemay rajo maamul waxaana ka helay sida uu Taabit u daneynaayo kiisaska nuucaan ah.

“Waligey horey ulama kulmin mudane Taabit laakiin TV-yadda iyo baraha bulshadda ayaan ka bartay wajigiisa, Markii la ii gudbiyay xafiiskiisa wuu taagnaa si uu iigu muujiyo inaan muhiim u ahay ,fadhi iyo sheeko arinta ku saabsan kadib, gudoomiye Taabit wuxuu u amray in deg deg kiiskan loo xaliyo, anigoo goobta fadhiya ayuu wacay maamulka dagmada iyo taliska ciidanka , isagoo isticmaalaya xogtii aan siiyay madaama aan garanayay ragga falkaan ku kacay wuxuu amray in afartaas nin lasoo qabto oo lasoo xiro si kiiskaan loo baaro.

“Taabit wuxuu iga codsaday inaan bixin ila arintu ka dhamaato, ciidankii la diray ee gobalku waxaa ay 3 saacadood kadib keeneen 3 ka mid ah ragii falka geystay anoo wali jooga xarunta Dowladda hoose, aadbaan u ilmeeyay markii aan arkay ragii Aabahey qoriga ku taagay ee lacagta baada ah ka qaatay oo gacmaha ka xiran, waan aqoon waayay waxa aan ku iraahdo duqa Muqdisho ,wax yar kadib waxaa uu gudoomiye Taabit ii dhiibay warqad ku socotay maamulka dagmadda Wadajir oo ay ku qoran tahay iney gurigeena booqdaan oo ay aabahey u celiyaan lacag dhan $190 (boqol iyo sagaashan dollar ) oo aheyd lacagtii sharci daradda looga qaaday wuxuuna igu yiri “halkaan waxaan u immid inaan shacabka u adeego ee fadlan qof walba oo dhib nuucaan ah qaba nambarkeyga waad siin kartaa “ runtii waxaa ay ii aheyd maalin aan dareemay dhadhanka cadaaladda iyo rajadda Dowladnimadda Somalia.

Xasan Macalin Yuusuf ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka reer Muqdisho iney ka hadlaan wax walba oo dhib ku ah si arinta wax looga qabto inta ay wax ka qabashadda leedahay.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you