Thursday, July 17, 2025

Maxaa keenay in Laba Sabti oo isku xiga Alshabab weerarro ku qaado “Aagga cagaaran” ee Muqdisho?

-

Todobaadkii labaad oo xiriir ah, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay laba weerar oo sida loo soo diyaariyey iyo sida loo fuliyeyba ay isku ekaayeen.

Kan hore, wuxuu ka dhacay xarunta Otto Otto, Sabtidii ay bisha Luulyo ahayd 7, kan kalena wuxuu dhacay Sabtidii xigtay ee bishu ahayd 14-ka Luulyo. Min laba qarax oo dabley rasaas ridaysa ku xigtay ayey ahaayeen.

Waxaa lagu qaaday meelo aan mariddooda loo oggolayn shacabka iyo gaadiidkoodaba. Waa xarumaha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ka soo horjeedka irridda weyn ee baarlamaanka Soomaaliya, iyo koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Su’aasha soo noqnoqotay waxay tahay: sidee ku dhacday in ayadoo amniga waddada goobahaas dhex marta la adkeeyey, shacabkana laga xiray, misna Al Shabaab ay gudaha u galaan oo qaraxyo iyo rasaas ku weeraraan askartii iyo shaqaalihii dawladda.

G/sare Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) wuxuu ahaa madaxii hay’adda sirdoonka Puntland (PIA), wuxuuna sannadihii 2015 -2015 agaasime ka ahaa xarunta isku xirka hawlgallada wadajira (joint operations coordination centre) oo loo soo gaabiyo JOCC.

Wuxuu aaminsan yahay in Al Shabaab ay awooddooda hoos u dhacday, sidaa darteedna ay weerarradooda kordhinayaan.

“Al Shabaab awoodoodi way daciiftay, mar walboo ay diciifaanna qar-iska-xoornimada way siyaadiyaan, ayagoo uga gol leh inay diraan farriin ah ‘waan jirnaa waanan xoog badannahay'” ayuu yiri Cabdi Yare.

Laakinse cabdi yare meesha kama uusan saarin, sida ay dad badanba qabaan, in la sii ogaan karay ama la sii ogaaday weerarrada, hase yeeshee “waxaa laga yaabaa in xogta ay kala dhiman tahay, oo laga yaabo in aadan helin wakhtiga saxda ah ee ay wax dhacayaan iyo goobta saxda ah ee ay wax ka dhacayaan” ayuu yiri.

Wuxuu shaki ka muujiyey oo uusan carrabka ku dhifan inay jirto iyo in kale in dad gudaha ku jira ay hawsha wax ka og yihiin, isagoo ku gaabsaday “waa arrin baaritaan u baahan, laakin wuxuu farta ku fiiqay in gaabis uu jiro.

Mar uu ka hadlayey sida looga hortagi karo weerarrada noocaas oo kale ah, wuxuu sheegay Cabdi Yare in mas’uuliyadda 1aad ay saaran tahay ciidanka amaanka “wixii debac ah ama khalkhal ah oo ku dhex jira waa inay saaraan, dadkuna waa inay la shaqeeyaan ciidanka oo xogta ay la wadaagaan” ayuu yiri Cabdi Yare.

Haddaba, haddii laba Sabti ay dheceen laba weerar oo isku eg, oo ka dhacay laba meel oo aan ka fogayn xarumihii muhiimka ahaa ee dawladda, arrintaas dareen iyo feejignaan dheeri ah ma gelin doontaa hay’adaha amaanka ee dawladda Soomaaliya, si ay uga hortagaan in mar kale la soo weeraro?

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you