Monday, July 14, 2025

Maxaa ku Qarsoon Waallida Diblomaasiyadeed ee Kenya ku dhaqaaqday..? [Talo ku socota madaxda Somalia]

-

Tallaabada ay qaadatay dowladda Kenya ee ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Soomaaliya ayaa noqotay mid lama filaan ah oo ku soo beegantay xilli aan la fileyn, iyadoo xiriirka labada dal uu marayey heerkii ugu fiicnaa.

Mar kaliya ayey dowladda Kenya abuurtay xiisad diblomaasi kadib markii ay u yeeratay safiirkeedii magaalada Muqdisho, kuna amartay safiirkii Somalia inuu dalkeena isaga baxo, waxayna sababta ka dhigtay in Somalia ay xaraash ama iib ku bixisay xuduud ka mida badda lagu murusan yahay ee Kenya sheegato, waxayna si ulakac ah u weeraray dowlada Somalia.

Qoraalka Dowladda Kenya iyo sida uu u hadlay xogahaya wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi Macharia Kamau marka la eego waxaa su’aalo badan ka dhalanaya ujeedka Kenya arrintan ka leedahay, waxaana muhiim ah in madaxda Soomaaliya ay si weyn uga fiirsadaan arrintan inta aysan jawaab ka bixin.

Waxaa la ogyahay arrimaha soo socda:

In Somalia iyo Kenya ay isku hayaan dacwad ku saaban xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya oo hortaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Kenya waxay muddo dheer olole ugu jirtay in dacwadaasi lagu dhammeeyo xeer jajab iyo heshiis ay la gasho madaxda Soomaaliya, si ay qeyb uga hesho Badda Somalia ee ay sheegatay oo lagu tuhmayo Gaas iyo Shidaal.

In dowladda Kenya ay hore shirkado Shidaal ugu siisay Qandaraas inay shidaal iyo Gas uga baaraan Badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, iyadoo dacwadii dowladda Somalia ka mid ahayd kiiskan horyaalla maxkamadda dunida.

Dowladda Kenya waxay ka cago jiiday dacwadda badda ee Somalia ay u gudbisay Maxkamadda Adduunka, waxayna mar kasta u taagan tahay in madaxda Soomaalida cadaadiso.

Iyadoo ay arrimahaas oo dhan jiraan ayaa waxaa isk cad in Kenya ujeedkeedu yahay arrimaha soo socda:

In dowladda Kenya ay ka hor dhaceyso dacwadda maxkamadaha adduunka ee ICJ oo laga yaabo in laga xukmiyo.

Inay arrintan tahay kiis abuur oo cadaadis lagu saarayo madaxda dowladda Soomaaliya si ay u hesho waanwaantii ay mudadda dheer raadineysay ee ahaa in xal hoose laga galo muranka xuduudka Somalia iyo Kenya.

Haddaba madaxda Soomaaliya maxaa looga baahan yahay:

Inay si deganaan ah xaalada u wajahdo, iyadoo la difaacayo Qaranimada Dhuleed iyo Badeed ee Soomaaliya.

Inaan marna laga aqbalin Kenya inay yareysato Qaranimada Somalia, isla markaana aan wax tanaasul ah laga sameyn Dacwadda badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Dunida.

Waa arrin kale oo tijaabo u ah hoggaanka xilligan dalka ka jira oo ay ku caddeyn karaan Soomaalinimadooda, lana eegi doono sida ay xaaladdan u wajahaaan.

Guud ahaan dadka Soomaalida waxaa la gudboon inay u midoobaan oo aan loo kala harin difaaca dalka iyo Qaranimada.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you