Tuesday, June 24, 2025

Maxaa la gudboon Madaxweyne Farmaajo & Dadka Soomaaliyeed…? [Qormo Xasaasi ah]

-

Maanta waxaa ka soo wareegtay Mooshinkii Gudoomiye Jawasri 25 maalmood oo dadku cabsi iyo wel wel ku jiray, kadib markii ay isku dhaarteen laba garab oo ka wada tirsan Golaha Shacabka. Group A ayaa ku dhaartay in ay ridayaan Gudoomiye Jawaari qiima kasta oo ay ugu kacdo, Group B ayaa iyaguna wacad ku maray in ay difaacayaan Jawaari qiima kasta oo ay ugu kacdo.

Arintaas ayaa wel wel iyo cabsi ku abuurtay dadka Somaaliyeed iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaaliya Waxaana cabsida sii kordhiyey kadib markii la xiray jidadka Caasimada, heegana la geliyey ciidamada dawladda, shirkii Barlamaankuna 3 mar la baajiyey, M. Farmaajo na soo fara geliyey, uuna baajiyey shirkii 31 dii bishii hore, markii talo laga diiday, 4 tii bishaan oo dib loogu baaqay hub iyo xoog lala soo galay Xarunta Barlamaanka lkn ciidamada dawladda ayaa si xikmad leh u baajiyey Xabbad, Xildhibaan iyo Xasaanad isku dhaca.

Maanta ayuu mar kale baajiyey Madaxweyne Farmaajo Shirka Golaha.
Welina waxaa jira cabsidii iyo culeyskii saarnaa dadka iyo dawladda ee maxaa la Gudboon Madaxweynaha iyo Dadweynaha?

A. Madaxweynuhu waa; Astaanta Qaranka, Ilaaliyaha koowaad ee Dastuurka iyo Shuruucda dalka, Madaxa iyo Awooda ugu sareysa Hay’adaha Dawkadda, Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Xiriiriyaha koowaada ee Dalka iyo Dunida, Difaacaha koowaad ee Calanka, Midnimada, Xuduudaha iwm.

Hadii Dalku galo xaalad cabsi iyo wel wel leh, loona cabsado amniga, hay’adaha dawladda, midnimada, sharafta, faragelin ajnabi iwm. Waxaa Madaxweyna waajib ku ah in uu qaato go’aan kasta oo lagu badbaadinayo dalka, dadka iyo ha’adaha dawladda. Waxaana u banaan Madaxweynaha;

1. In uu soo rogo xaalad deg deg ah.

2. In uu Barlamaanka mudo xiro.

3. In uu awood sharciga waafaqsan ku soo celiyo nidaamka iyo kala danbeynta.

4. In qofkii denbi gala uu xasaanada iyo xilka ka qaado.

5. In uu ka hor tago fawda kasta oo looga cabsado in dalku dib ugu laabto.

Arinta Barlamaanka waxaa xirmay dhammaan albaabadii dibadda iyo gudaha ee waan waanta iyo fara gelinta, waxeyna arintu kusoo aruurtay labada garab ee Xildhibaanada Golaha iyo Madaxweynaha, waxaana u furan Madaxweynaha in uu ku qanciyo Gudoomiye jawaari in uu is casilo ama uu amro in ay si nabad ah ku codeeyaan Xildhibaanadu ama uu awoodiisa adeegsado.

B. Dadka waxaa la gudboon mar hadii xaaladu gaarto cabsigelin, waxey ila tahay, anaa gar leh iyo jaah-wareer in amarka iyo go’aanada laga qaato Madaxweynaha kaliya, Imaam waxaa loo sameeyaa in la raaco lagana amar qaato si looga baxo khilaafka, fawdada, tala xumida iyo Cali gar leh, Caydiidna gar leh.

W/Q: Mohamed Gacal
Wasiiru dowlihii Arrimaha dibadda ee Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you