Friday, June 27, 2025

Maxaa laga bartay Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka..?

-

Ma jiraan dalkeena Jaamacado iyo Hay’ado Qiimeeya Doorashada iyo hawlaha Dawlada, laakin Duruus iyo waaya aragnimo ayey Musharaxiinta iyo dadka Somaliyeed ka bara karaan Doorashada.

Shalay waxaa la soo gaba-gabeeyey Doorashada labada Aqal oo ay ka soo baxeen Guddoon ka kooban lix Rag ah.

Hadaba waxaa laga Bara karaa Qodobadan:
1. Labadii Guddi doorasho ee ay kala Hogaaminayeen Mr. Bayle & Mr. Dhega-juun oo lagu bartay; wadani-nimo, hawl-karnimo, hufnaan iyo daacad-nimo, oo aan laga baran Gudiyadii ka horeeyey ee uu Hogaaminayey Mr. OMar-dhegey.

2. Raga la doortay oo lagu yaqaan; wadani-nimo, dhex-dhexaad nimo, dawlad aqoon-nimo, aqoon fiican iyo hufnaan. Iyo ilaa xad in ay ka madax-banaan yihiin Madaxweynayaasha Dalka iyo Dawladaha Shisheeye, Siyaasadana horey loogu yaqiin qaar-kood.

3. 4tii Nin ee ugu ololaha badneed labada Aqal oo laga adkaaday iyaga oo ay waliba riixayeen; qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dalka, Ganacsato iyo Dawlado Shisheeye sida lagu Xamanayo. Sida; Xidig iyo Faarax oo looga adkaaday Aqalka Hoose, Dheg-dheer iyo Cabdi-kaafi oo looga adkaaday Aqalka Sare oo lala yaabay dadaalkooda.

4. Qoondadii Haweenka oo laga tegay loona doodin kadib markii ay ka daaleen Madashii, Beesha Caalamka iyo Ururadii Haweenka u doodida Xuquuqda Haweenka markii ay Xaqiijiyeen 25% xubnaha labada Aqal.

5. Haweenkii labada Aqal oo Codkooda siiyey Raga lana hishiiyey kadib dagaalkii ku dhex-maray Gobalada.

6. Isu dheeli-tirka Qabiilka oo la ilaaliyey oo aad moodid in Somalida ay uga muhimsantahay Aqoonta iyo Kartida Qofka iyada oo lixda Nin ka soo jeedaan Lix Qabiil.

Hadaba waxaan ka bara karnaa;
– In olole iyo dhaqaale badan aysan guul keeneynin.
– In Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw ay been tahay markii laga reebo Rabbi ku tiirsanaw.
– In Qiimeynta Xildhibaanada iyo Musharaxiinta ay aad u kala fogyihiin.
– In la gaaray Xiligii Qofka lagu Qiimeyn lahaa Aqoontiisa , Kartidiosa iyo Hufnaantiisa.
– In Golayaasha Siyaasada oo Haween lagu badiyo macnaheeda aysan aheen in ay Madax u dooranayaan Haween.

 W/Q: Dr. Mohamed Gacal

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you