Tuesday, February 10, 2026

Maxaa laga bartay Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka..?

-

Ma jiraan dalkeena Jaamacado iyo Hay’ado Qiimeeya Doorashada iyo hawlaha Dawlada, laakin Duruus iyo waaya aragnimo ayey Musharaxiinta iyo dadka Somaliyeed ka bara karaan Doorashada.

Shalay waxaa la soo gaba-gabeeyey Doorashada labada Aqal oo ay ka soo baxeen Guddoon ka kooban lix Rag ah.

Hadaba waxaa laga Bara karaa Qodobadan:
1. Labadii Guddi doorasho ee ay kala Hogaaminayeen Mr. Bayle & Mr. Dhega-juun oo lagu bartay; wadani-nimo, hawl-karnimo, hufnaan iyo daacad-nimo, oo aan laga baran Gudiyadii ka horeeyey ee uu Hogaaminayey Mr. OMar-dhegey.

2. Raga la doortay oo lagu yaqaan; wadani-nimo, dhex-dhexaad nimo, dawlad aqoon-nimo, aqoon fiican iyo hufnaan. Iyo ilaa xad in ay ka madax-banaan yihiin Madaxweynayaasha Dalka iyo Dawladaha Shisheeye, Siyaasadana horey loogu yaqiin qaar-kood.

3. 4tii Nin ee ugu ololaha badneed labada Aqal oo laga adkaaday iyaga oo ay waliba riixayeen; qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dalka, Ganacsato iyo Dawlado Shisheeye sida lagu Xamanayo. Sida; Xidig iyo Faarax oo looga adkaaday Aqalka Hoose, Dheg-dheer iyo Cabdi-kaafi oo looga adkaaday Aqalka Sare oo lala yaabay dadaalkooda.

4. Qoondadii Haweenka oo laga tegay loona doodin kadib markii ay ka daaleen Madashii, Beesha Caalamka iyo Ururadii Haweenka u doodida Xuquuqda Haweenka markii ay Xaqiijiyeen 25% xubnaha labada Aqal.

5. Haweenkii labada Aqal oo Codkooda siiyey Raga lana hishiiyey kadib dagaalkii ku dhex-maray Gobalada.

6. Isu dheeli-tirka Qabiilka oo la ilaaliyey oo aad moodid in Somalida ay uga muhimsantahay Aqoonta iyo Kartida Qofka iyada oo lixda Nin ka soo jeedaan Lix Qabiil.

Hadaba waxaan ka bara karnaa;
– In olole iyo dhaqaale badan aysan guul keeneynin.
– In Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw ay been tahay markii laga reebo Rabbi ku tiirsanaw.
– In Qiimeynta Xildhibaanada iyo Musharaxiinta ay aad u kala fogyihiin.
– In la gaaray Xiligii Qofka lagu Qiimeyn lahaa Aqoontiisa , Kartidiosa iyo Hufnaantiisa.
– In Golayaasha Siyaasada oo Haween lagu badiyo macnaheeda aysan aheen in ay Madax u dooranayaan Haween.

 W/Q: Dr. Mohamed Gacal

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you