Sunday, August 10, 2025

MAXAA LAGA FILI KARAA SHIRKA LONDON? [W/Q: C/raxmaan C/shakuur]

-

MAXAA LAGA FILI KARAA SHIRKA LONDON?

 Soomaalidda inteeda badan waxay is waydiinayaan maxaa ka soo bixi kara shirka London? Muxuuse kaga duwan yahay labadii shir ee horay loogu qabtay Soomaaliya sanadihii 2012 iyo 2013ka. Natiijada laga filan karo shirka iyo waxa ka soo baxaya waxaa sal u ah fikirka laga qabo dhismaha Nabadda iyo Dawladnimada. Marka laga soo tago danaha ay qolo walba sida gaarka ah Soomaaliya uga leedahay, waxaa jira labo aragti ama Iskuul oo ay Galbeedka iyo Barigu ku kala aragti duwan yihiin markii ay timaado caawinta iyo gacansiinta dawladaha burburka iyo colaada sokeeye ka soo kabanaya iyo guud ahaan kuwa dunidda sedexaad.
Aragtida Galbeedka waxay ku doodaysaa dawladu waa in laga kaalmeeyaa sidii ay ku noqon lahayd dawlada Dimoqoraadi ah oo sharciyadda dadkeeda haysta, kuna dhisan rabitaan shacab iyo is ogol, isla xisaabtan, daah furnaan, saraynta sharciga. Wax walba oo ay qabanayaan dhinacaas ayey ku jeedaan. Waxay ku doodayaan hadii awoodda dawlada la xoojiyo iyadoon dastuur xooggan oo sharciyad la xisaabtan iyo awoodo kala madax banaan lahayn waxay horseedaysaa takrifal awood oo ah kii burburka sababay.

Sidaas daraadeed wax qabadkoodu waa dhismaha karti (Capacity Building) la xariira, Dimoqoraadiyeyn iyo dawlad wanaag , Saraynta sharciga iyo Xuquuqul Insaan. Uma soo jeedaan dhismaha dawlad xooggan oo ciidan xooggan leh, iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha. Waxay ku doodayaan  Cusbitaaladii, Iskuuladii, Wadooyinkii, Garoonadii, Dekedihii iyo Ciidankii Xoogganaa waxaa dumiyey dawlad kali talis ah oo aan loo dhamayn kuna dhisnayn rabitaanka shacabka iyo saraynta sharciga. Hadii aan taas la helinna wado, iskuul, cusbitaalkii la dhiso colaad sokeeye ayaa dumin doonta.

Dhinaca Bariga waxay qabaan in dawlada la xoojiyo, laguna taageero wax la taaban karo sida; dhismaha awooda dawlada ee cidaanka, kaabayaasha dhaqaalaha, fursadaha shaqo abuurka ee maalgashiga si ay dawladu u yeelato awood ay dalka ku xukunto dadkeeda ugu adeegto. Waxay aragtidani ku duulaysaa  in dawaladu ay sharciyad heli karto markii ay dadkeeda  u adeegto. Si taas loo xaqiijiyo waa in dawlada la xoojiyo, lana siiyo taageero muuqata oo lagu dhisayo awoodeeda dawladnimo si ay shacabkeeda ugu adeegto, iyadda kaligeedna u yeelato awooda maquuninta (the monopoly of violence)
Waxa ka soo baxaya shirka London waxay ku xiran tahay halka aad wax ka eegayso iyo xagasha aad ka taagan tahay doodda. Qolada qabanqaabisay waxay u haystaan in ay wax wayn labadii shir oo hore u qabteen, kanna uu mira wayn dhali doono, laakiin Soomaalida waxay u haystaan shimbirayahow heesa aan natiijo badan lahayn. Waxaase hubaal ah in natiijada shirka la raadayn karo hadii qorshaha iyo agendaha ay dawladda Soomaaliya hagayso, iyadoo laga faa’iidaysanayo tijaabooyinkii hore loo soo maray la iskuna dheeli tirayo aragtida kala duwan iyo danaha kala jeeda ee dawladaha Bari iyo Galbeed.
W/Q: C/raxmaan C/shakuur

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you