Saturday, July 12, 2025

Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

-

Runtii, ujeeddo kastaba ha laga lahaadeee, dadka qaar ka fal-celiyey qormadaydii gaabnayd ee shalay ayaa I weydiiyey su’aal ah, maxaa lagu diidayaa habraaca’? Anigu waxaan u arkaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo kala-qeybsanaanta aragtida, xoogagga siyaasadda, gobollada iyo qabaa’ilka aysan saamaxayn in dooddan hadda la galo. Haddiiba la galayana, sida ugu habboon waxaan ku qoray cilmi-baaris soo baxday 2023.

Dhanka kale, haddaad leedahay hab-raaca maxaa laga rabaa? Waxaan ka leeyahay:

Kow, waxa ku qoran hab-raaca in la isku darayo labada aqal marka doodda dastuurka la galayo. Dastuurku waa ka culus yahay xeerarka caadiga ah.

Xeerarka caadiga ah waxaa la yiri labada aqal ha kala soocnaadeen oo marka uu Golaha Shacabku ka dhamaado xeer, ha loo gudbiyo Aqalka Sare oo isna waajibkiisaa ha ka guto. Maxaa diidaya in waddadaas la marsiiyo dastuurka iyadoo weliba 2/3 majority loo shardinayo wax-ka-baddalka?

Labo, waxaa kale oo ku cad habraaca in fadhigu ku ansaxayo 50%+1 inay goobta yimaadaan. Waxaana ka sii daran in la leeyahay “waxaa looga doodayaa cutub-cutub.” Wuxuuna cutub kasta “ku gudbayaa 50% iyo haldheeri.” Macnaha, xildhibaannadu haba doodaane, cutub ayaa loo codeynayaa ee qodob ma ahan waxa loo codeynayo.

Saddex, Qodobka 5(6) ee Habraaca la soo wado wuxuu leeyahay “Soojeedinta wax-ka-beddelka kamadambeysta ah ee cutubyada Dastuurka oo idil waxaa kulan wadajir ah ku ansixinaya saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka KMG ah.” Qodobka 136 ma sheegayo kulan wada-jira ah.

Balae waxaa muuqata inuu leeyahay aqal walba si gaar ah ayuu ugu codeynayaa. Waxaa habraacu leeyahay “Qaabka codeyntu waxay noqonaysaa gacan-taag, qoraal ama magac -u-yeerid muddada codeyntu socoto si waafaqsan Qaraarka Ansixinta Dastuurka ee uu soo saarayo Baarlamaanka JFS.” Qodobkani waxa ka muuqda wax aan ahayn ayuu xeerinayaa. Haddaba Kow, aragtideyda, looma baahna in labada aqal la isku daro.

Sideedaba, ujeeddada laba aqal loo sameeyey waa in ay is dheelli-tiraan oo mid wixii uu gafo, kan kale saxo. Haddii 50 senator oo awalba qaar maqnaayeen lagu dhex daro Golaha Shacabka, waxaa halkaas lagu baab’iyey Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo xubnaha aqalka sare waa inaysan macno-tirin aqalka sare. Waana qeyb ka mid ah ujeeddada aan u adeegsaday tuducyada Axmed Sheekh Jaamc ee sheegaya muhimadda awoodaha isku-dheelli-tiran:
“Barbar kaliya xoog jira, cadligu waa ku bururaaye. Badbaadada waxa dhala quwado baahay oo simane.”

Tan kale, marba haddii laga hadlayo arrin sidan u weyn oo sidan u xasaasi ah, waxaa quman in aqal walba uu hawshiisa gaar u qabsado. Aqal walbana waa in qabsoomidda kulanka dastuurka hawshiisa lagu galayo uu u shardiyo 2/3 inay joogaan.

Aqal walba waa inuu gaarkiisa qodobbada la baddalayo uu qodob qodob uga doodo. Waana inuu aqal kasta ku ansixiyo 2/3 qodob kasta oo la baddalayo. Wax-fududeyn iyo hiddi-hoobeyn badan baa ku jirta sida wax loo wado. Labo, Qodob ka mid ah habraaca ayaa leh, “Soojeedimaha wax-ka-baddalka dastuurka waxaa looga doodayaa cutub-cutub iyadoo la raacayo jadwallada doodda.” Waxay u muuqataa inaan qodob qodob looga doodeyn ee ay tahay jumlo ku qaado.

Codeynta waxaa laga dhigayaa ‘gacan-taag, qoraal ama magac-u-yeerid”. Waa arrin xiiso leh. Anoo xildhibaan ah, haddii tan la ii jideeyo maxaan uga baahanahay inaan baarlamaanka imaaddo? Sow warqad sooma qori karo oo ma dhihi karo waa u codeeyey ama waan diiday xeerkaas.

Sow baarlamaanka oo awalba lala daalaa-dhacayo in barkiis yimaad, intii kalana lama fasixin? Gacan-taag waxaa ku qarsoon waa la wada garanayaa iyada oo halkaa u dhaafi maayo. Anigase sidani ilama qumana. Saddex, hab-raacu wuxuu leeyahay labada aqal baa kulan wadajir ah ugu codeynayaa duuduub dastuurka.

Waxaa ii muuqata in la is-dhexgeliyey ansixinta baarlamaanka oo ay tahay inay qodob qodob uga doodaan, uguna codeeyaan iyo aftida dadweynaha oo ay caadadu tahay inay duuduub dastuurka ugu codeeyaan oo ay ama diidaan ama yeelaan.

Waa in la kala sooco hawlahan. Afar, guddiyada ka shaqaynayaa ayaa u muuqda kuwa hal aragti siyaasadeed metelaya. Cidna laguma jahwareeri karo waa hebello kala beelo ah. Taasi macno badan ma leh oo waxba kama baddalayso tayada go’aamada iyo ilduufyada kooxaha la kaliyoobka go’aannada ummadeed.

Ugu dambeyntii, marka dalalka federaalka dastuur loo samaynayo ama kooda laga baddalayo waxaa inta badan ansixinta iyo wax-ka-baddalka qeyb ku leh baarlamaannada gobollada. Sida muuqata, saxiixayaashi kan jira noo sameeyey waa ka ilduufeen.

Tan kale, haddiiba laga hadlayo dastuur muddo dheer jiri kara, ma garanayo sabab loogu bixinayo dhaqaale iyo xilal. Kolley wax baa jiree maxaa jira? Bal adna?

W/Q: Afyare A. Cilmi

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you