Sunday, July 13, 2025

Maxaa sababay inuu Xasan Sheekh kasoo hor maro Xilliga Doorashada 2020-ka..? [Akhriso Warbixin Xasaasi ah]

-

10-kii September, 2012 ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii codad gaaraya 190 cod uu helay Wareegii u dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guuleystay Sheikh Shariif oo helay 79 cod.

Isaga, 8 February 2017 ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, ee uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Markii uu xilka wareejiyay kadib bishii March ee sanadkii hore ayuu ka duulay magaalada Muqdisho, sanad iyo bar kadib waxaa jiro arrimo badan oo is biirsaday oo sababay dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho.

Xasan Sheekh, Sababaha uu u yimid Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu wadatashiyo sameyn doono, kaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka ka jiro.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in imaanshaha Xasan Sheikh Maxamuud ee Muqdisho ay horboodayaan xildhibaano mucaaradaya dowladda hadda dhisan iyo shaqsiyaad kale oo dhaqaalo ku bixinaya yagleelida xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin ragii lasoo shaqeeyay Xasan Sheikh iyo Xubno kale oo Mucaarad ah.

Arrinta kale ee keentay imaanshihiisa ayaa ah iney heleen warbixino la xiriira in madaxda taladda haya ay wadaan qorshe muddo kororsi ah iyo in la xadido tirada xisbiyadda ka qeyb galaya doorashada soo socota, si looga hortago xisbiyo awood badan, sida kan ay qorsheynayaan Xasan Sheih iyo Xulafadiisa.

Damaca madaxda taladda haya oo ah sameysashada xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad xilal hadda haya, ayaa qeyb ka ah waxyaabaha keenay inuu yimaado Xasan sheekh Maxamuud.

Xasan Sheikh, Muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, waxay is qabteen shaqsiyaad badan kuwaasi oo qaarkood ay heshiiyeen intuu ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana ugu horeeya Axmed Macalin Fiqi iyo shaqsiyaad kale oo doonaya inay sameeyaan xisbi siyaasadeed weyn oo ay ku jiraan dad magac weyn leh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo aad u taageersan xukuumadda Kheyre shalay ayuu Cafis ka dalbaday Xasan sheekh, maadaama la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibka Xasan, balse doorashadii ay kula hareen.

Imaanshaha uu Xasan Sheikh Maxamuud ku yimid Muqdisho kuma koobnaan doonto Muqdisho, sida uu sheegay markii uu kasoo dagay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, oo wuxuu tagi doonaa gobolada dadka si saameyn uu ugu doorashooyinka qaar oo ka dhacaya Garowe Iyo Baydhabo.

Intii tallada uu hayay Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu doorweyn ku lahaa dhismaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, laakiin madaxdii loo doortay maamuladaasi hadda xilka ma hayaan oo mooshinno ayaa lagu riday.

Dhismaha maamuladaasi oo si sahlan lagu galay ayaa keenay is jiidjiid badan oo beelaha dhexdooda ah, waana tan keentay in xasilooni daro siyaasadeed ay ka dhacdo Galmudug iyo Hirshabeelle.

Haddaba maxaa imminka kusoo beegay imaanshaha Xasan Sheikh ee magaalada Muqdisho, waxaan su’aashaasi weydiiyay siyaasi Caydaruus Muxumad Af-Sagaaro, isagoo sheegay in waxba uusan soo kordhineynin safarka.

Waxaa aad loogu amaanaa Xasan Sheikh Maxamuud wanaagsanaantii siyaasadiisii arrimaha dibadda, waxaana jira jiro dhaliilo badan oo kaga imaanayay siyaasadiisii arrimaha gudaha.

W/D Mohamed Isse Mohamud
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you