Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Cadaado, iyadoo ay ku tartamayaan saddex musharax oo xilkaasi u taagan.Dowladda Federaalka oo lagu xaglinayo inay wadato mid ka mida musharaxiinta ayaa beenisay arrintasi waxayna sheegtay inuusan jirin musharax ay si gaara u taageereyso.
Musharixiinta  u tartamaha xilka Madaxweynaha Galmudug waxay kala yihiin:
1- Axmed Ducaale Geelle (Xeef) : Waa ganacsade siyaasi ah oo muddo ahaa xildhibaan ka tirsan dowladda Federaalka, Baarlamaanka cusub ayuusan ku guuleysay inuu soo galo markii si farsameysan looga reebay. Waa nin si weyn looga yaqaan gobollada dhexe iyo magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuusan taageero badan ka heysan siyaasiyiinta iyo xubnaha labada gole ugu jira Galmudug.
2- Prof Cabdiqaadir Maxamed Shirwac: Waa musharax kale oo u taagan xilkan, waana Aqoonyahan  jaamacadeed. Wuxuu  ka mid ahaa asaasayaashii Galmudug, isagoo Gaalkacayo ka hirgeliyey Jaamacada ay wax ku bartaan ardayda reer Gaalkacyo. Waa nin siyaasadda ku cusub oo rajo badan ka qaba inuu xilkan ku soo baxo.
3- Axmed Shariif Cali Hilowle: Waa aqoonyahan la sheegay inuu taageero ka heysto madaxweyne Farmaajo, waana musharaxa ugu dhalinta yar. Wuxuu qeyb ka ahaa doorasho lagu kala jabay oo 2008Â ka dhacday Galmudugtii hore. Kadib wuxuu noqday maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho.
Ololeyaal xoog leh ayaa ilaa xalay iyo saaka ka socday, waxaana si kala gaara loo raadinayaa codadka 89 xildhibaan oo Baarlamaanka Galmudug ka kooban yahay, waxaana la filayaa inay isla maanta doorashada soo gabagabowdo.
Goobjooge.com