Monday, July 14, 2025

Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow..?

-

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Eng. Yariisow ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynayey dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Soomaaliya isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo wasiirnimo oo dhawr ah. Sidoo kale, Mudane Yariisoow waxa uu muddo ka soo shaqaynayey arrimaha bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday Wasiirka lacagta, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xukuumadda,, La-taliye Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka shaqaynayey Dawladda Hoose ee magaalada London ee dalka UK. Marka la eego khibraddiisa shaqo waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay qof ku habboon xilka loo magcaabay, gaar ahaan khibraddiisa dhinaca Dawladaha Hoose. Sidoo kale, waa nin aqoon durugsan u leh maaraynta iyo maamulka, waxana uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.

Siyaasi Qaan-gaar ah

Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray oo si wanaagsan u garanaya waaqica dalku marayo iyo duruufaha caasimadda iyo dalka guud ahaan ku geedaaman, 12-kii sano ee u dambeeyay ayuu la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray.

Waa siyaasi qunyar-socod ah oo waxa uu doonaya dood iyo is-qancin ku dhamaysta, mana aha qof khilaaf badan abuura oo dadkana ay iska hor yimaadaan, waana sababta aan is leeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tago aqoontiisa iyo xirfadihiisa tirade badan.

Runtii, dhammaan xilalka uu soo qabtay waa nin lagu soo ammaanay oo aysan eed iyo xurguf ka iman, waxana sidoo kale xusid mudan in lagu tilmaamo qof ceeb ka saliim ah dhinaca musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha. Mudanaha waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa qof saaxiibbo badan oo Soomaali iyo caalami ah leh, waxana uu ku kasbaday shaqada iyo dabcan shakhsiyaddiisa qof ahaaneed ee ku dhisan mutawaadicnimo ama isla-weyni la’aan, ixtiraam, daacadnimo, xanaf la’aan, deganaan iyo bisayl, aragti dheeri iyo fahmidda bii’adda iyo cidda uu ku shaqaynayo.

Marka la eego siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa inta badan iska horkeena damac iyo danaha gaarka ah ee loo baratamo ama la kala badsanayo, laakiin waxa lagu bartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waa in uu mar walba hor mariyo danta guud, waxana laga dheehan karaa qaab nololeedkiisa oo aysan wax weyn iska beddelin isagoo xilal kala duwan soo qabtay. Waxaa muuqata in aan la filayn inay iska hor yimaadaan madaxda sare ee dalka iyo qaybaha kale ee wax kala dhexeeyaan.

Maxaa laga fili karaa?

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya marayso meel is-bedel ah. Marxaladdan waxaa la jaanqaadi kara qof garashadeeda leh oo xaaladaha iyo duruufaha taagan si waaqici ah u darsi kara, una samaysan sidii uu ula falgeli lahaa caqabadaha tirada badan ee soo foodsaara.

Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay’adaha dawladda dhexe, waxana ay leedahay xaaladaheeda iyo caqabadaheeda u gaarka, waana meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu badan ee dalka oo u baahan inay adeeg dawladeed helaan.

Guddoomiye Yariisoow caqabadaha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto waxaa ka mid ah:

Ammaanka

Magaalada Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, waxana hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo in ammaanka caasimaddu soo hagaago. Guddoomiye Yariisoow waxaa laga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

Horumarinta iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiye Yariisoow oo aqoon durugsan u leh dhinaca maamulka iyo horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bixinta adeegyada bulshada, maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.

Xal Siyaasadeed

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u waajaho arrinta ku saabsan xal-u-helidda meeqaamka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen dadka ku nool caasimadda. Arrintan oo ah mid dastuuri ah oo caqabadeeda leh, kuna xiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada baarlamanka, haddana, waxaa loo baahan yahay in loo helo caqli iyo xal maangal ah oo aarintan laga gaaro.

Gunaanad

Marka la eego xilliga uu ku soo aaday Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo waxaa la fili karaa is-bedel sal ballaaran oo la taaban karo. Sidoo kale, marka la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyahay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga qabaa in uu si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha jira ee soo faadsaari doono, isla markaana uu waajibaadka loo igmaday u guto.

Waxaa xusid mudan, in guddoomiye Yariisoow uu u baahan yahay taageero iyo inay gacansiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho dad karti iyo aqoon leh oo kala shaqeeya arrimaha faraha badan ee culus oo hor yaalla.

Waxaa diyaariyay Ahmed-nur Mohamed

[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you