Friday, August 1, 2025

Maxaad ka taqaan taariikhda Magaalada barakeysan ee Qudus, Falastiin..? [Akhriso]

-

Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda. Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray. Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.

Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed. Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay  Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.

Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano. Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.

Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa. Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.

Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii. Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada.

Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii. Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.

Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah. Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.

Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya. Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda. Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto.

Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa. Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah. Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.

W/Q: Eng. Xuseen Sabriye.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you