Laanta Af-Soomaaliga ee BBC oo ahayd idaacdda ugu faca weyn idaacadaha af-soomaaliga ku baxa ayaa shaacisay inay bilaabeyso barnaamij muuqaal ah.Â
Telefishinka la iska arko ayay markii ugu horeysay weriyeyaasha BBC-da kasoo muuqaan donaan 24-ka Abril oo ku beegan berrito, laakiin ma adeegsan doonaan Khadad ay BBC-du leedahay ee waxaa laga baahin doonna afar ka mida Telefishanada Soomaalida ee hadda jira.
Barnaamijkan oo 15 daqiiqo oo kaliya ayaa baxaya shan maalmood Isniinta ilaa Jimcaha, iyadoo BBC-du sheegtay in looga hadli doono wararka gobolka kuwa caalamka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, cayaaraha iyo madadaalada.
Ujeedada ka danbeysa in xilligan ay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga yeelato Barnaamij muuqaal ah ayay BBC-du sheegtay inay tahay iyadoo sanadkan 60 sano jirsaneysa, sidaasoo ay tahay dad badan ayaa is weydiinaya waxa uu soo kordhin karo muuqaal 15 daqiiqo soconaya.
BBC-da Laanta Afka Soomaaliga oo muddooyinkii danbe hoos u dhac weyn ku yimid, waxay loolan kula jirtaa warbaahinta VOA-da Mareykanka oo ka dheereysay iyo kuwa maxaliga ah, waxayna dhowaan qaadatay saxafiyiin dhowr ah kadib markii hoos u dhac weyn ku yimid weriyeyaasha u howlgala oo ua batay Soomaalida Kenya, fadhigooduna noqday Nairobi.
BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa la xusuustaa inuu aakhirkii sagaashameeyadii loolan adag ka soo wajahay Warbaahinta gudaha ka hana qaaday ee Idaacadii HornAfrik, taasoo keentay inay heshiis la gasho shirkadaasi si looga baahiyo Idaacadda BBC-da.
Horumarka Tiknolojoyada Geeska Afrika ayaa keenay in dadku si weyn ugu weecdaan warbaahinta la iska arko, waana taas sababta rasmiga ah  BBC-da ku qasabtay inay gasho shaqo aanay diyaar u ahayn iyo loolan adag.
Barnaamij 15 daqiiqo oo London laga baahinayo, wuxuu shaki la’aan culeys ku kordhin doonaan weriyeyaasha BBC-da laanta afka Soomaaliga ee hadda shaqeeya, waxayna u noqon doontaa tijaabo adag, laakiin ma muuqato saameyn weyn oo uu yeelan doono oo aan ahayn in qeybtan cusub ay iska xaadiriyaan.
GOOBJOOGE.COM