Thursday, June 26, 2025

Maxay isaga eg yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre..? [Warbixin xasaasi ah]

-

Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre.

Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan.

Hay’adaha dowladda ee isku milmay

Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay’ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka.

Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin.

“Dhisma la’aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go’aan gaarista inay xukuumadda leedahay”, sidaas waxaa yiri Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan.

Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay’adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su’aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay “qaran dumis” yihiin.

Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda

Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre.

Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka.

Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray.

Horaantii bishii afaraad ee sannadkan, waxaa barlamaanka Federaalka la geeyay oo qorshuhu ahaa in laga dooda arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, balse buuq iyo fowdo ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibanaada qaar oo ay wasiiro ka mid yihiin ayaa sababtay arrin dad badan ay la yaabeen.

Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya, Goodax Barre oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaano kale oo ka aragti duwan ku tilmaamay inay yihiin Al Shabaab.

“Xildhibaanada diiday in barlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Al Shabaab, waa dad Shabaab u shaqeeyo”, sidaas ayuu Goodax Barre ka yiri golaha shacabka.

Walow dalalka qaar mucaaradka loo arko inay yihiin dad siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, damac na uu uga jiro xilka ugu sarreeya dalka, ayaa haddana muddadii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay sameysay ficillo lagu fogeynayo dadka ka aragti duwan, taas oo ay ku dhaqmi jirtay Dowladdii militeriga.

Waxaana intii uu xilka qabtay caan baxay haddalo ay ka mid yihiin “qaran dumis, dowlad diid iyo ereyo la mid ah”.

Dowlad dhexe oo awood badan

Soomaaliya oo burburkii kahor lahayd dowlad dhexe oo awood badan ayaa dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muuqata inay daneneyso in mar kale dalka ay ka hana qaado dowlad dhexe oo awood badan.

Soomaaliya oo nidaamka Federaalka uusan horay uga jirin balse burburkii kadib uu ka hirgalay, loona arkayay xalka kaliya ayaa waxaa laga soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyo inta badan dowladda kula dhaga go’aanada siyaasadeed.

Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo oo aan marnaba qarsanin rabitaankiisa ku aadan nidaam xoog leh ayaa sheegay inay doonayaan dowlad dhexe oo awood leh.

“Inkastoo qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan, yiraahdaan Dowladda Federaalka waa dowlad dhexe, waa dowlad rabta inay awoodda qaadato, annaguna waxaan dhahnaa Federaalka saxda annaga ah, maxaa yeela waxaa rabnaa dowlad dhex oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh, oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimaha socdaalka iyo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh, dhaqaalaheedana iyadu kontoroosho”, sidaas waxaa xaflad qallin jabin ah ka yiri Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in inkastoo qaabka ay xilka ku yimaadeen ay kal duwan tahay, oo Farmaajo ay doorteen xildhibaano, Siyaad Barre na qaab milateri uu ku yimid, haddana ay tahay in dowladda hadda jirta ay wax ka barato wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay.

“Runtii labada maamul sida ay ku yimaadeen waa ay kala duwan yihiin, haddana wax waa ay wadaagi karaan; waynu aragnaa khaladaad barigii hore ka dhici jiray dowladdii hore inay tan na sameyso, waxaana ka mid ah inay mucaaradka u aragto cadaw, meelaha ay uga ekaatay dowladdii hore ee Siyaab Barre waxaa u sabab ah hay’adihii dowladda ee kala hagi lahaa ama kala xukumi lahaa in aysan dhisneyn, mar haddii kuwaas aysan jirin na ninka Madaxweynaha sida ay ula ekaato ayaa imaneyso, khaladaad bandanna way imanayaan”, Sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan Caddami.

Wuxuu intaa raaciyay in duruufaha labada maamul aya kala duwan yihiin, balse ay adag tahay in Soomalaida ay wax ka bartaan waxyaabaha soo maray haddii ay noqon lahayeen dhib ama dheef-ba.

Isha: BBCsomali

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you