Saturday, July 19, 2025

Maxay Itoobiya ugu xusul duubeysaa Maalgashiga Dekedaha dalalka dariska la ah..? [Warbixin]

-

Itoobiya waa dal aanan bad lahayn, waxayna taas dhacday sanadkii 1993-dii markii ay madaxbanaani ku dhawaaqday Eritrea oo markii hore ka mid ahayd dhulweynaha Itoobiya, waxaa kale oo intaas xigay in labad dal ay dagaalameen sidaasi darteedna dekeda Casab waxa ay noqotay meel aysan galaangal u lahayn dowladda Itoobiya.

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 90 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo. Balse sida aad ku ogaan doonto qeybaha dambe ee qoraalkan, sababta ay Itoobiya u danaynayso dekeda gobolka taas oo kaliya ma ahan.

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.

Berbera 

Sanadkan waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.

Hase yeeshee heshiiskaas weli ma uusan saxiixin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaamaa uu buuq siyaasadeed baarlamaanka ka dhashay labo maalmood kadib markii xeerka si aqlabiyad ah loogu codeeyay.

Jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in aysan waxbo ka quseynin diidmada federaalka, islamarkaasna ay xaq u leeyihiin in ay ku manaafacaadaan kheyraadkooda iyo illaahooda dhaqaale.

Sidaasi oo ay tahay, haddane wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo kii Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Jabuuti ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Somaliland ay u madaxbanaantahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dekeda Jabuuti 

Islamarkii la saxiixay heshiiska dekeda Berbera, waxaa dhacday in dowladda Jabuuti ay qandaraaskii dekeda Dooraale kala laabatay shirkadda DP Worl, iyada oo lagu eedeeyay in ay kasoo bixi weysay balanqaadyadii horey loogu heshiiyay.

Iyada oo uu xaalka halkaas marayo ayaa bishii hore dabo yaaqadeeda waxaa Jabuuti booqasho rasmi ah ku tagay Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed, kaas oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dal waxa ay kadib kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay saami ku lahaato dekeda Dooraale, halka Jabuutina ay saami ku yeelato shirkadda macaashka badan ee diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Waxaa la sheegay in ay Jabuuti aad ugu baahnayd cid maalgashata dekeda Dooraale maadaamaa ay ka baxday shirkaddii maalgashiga ku samayn lahayd ee DP World.

DP World waxa ay sheegtay in ay maxkamad caalami ah horgeyn doonto dowladda Jabuuti.

Lama oga sida ay Itoobiya u wada maaraynayso xiriirka Jabuuti iyo kan DP World oo halkii laga eryay shirkadan ay iyadu gashay.

Faahfaahinta heshiiskan weli ma kala cadda maadaamaa la saarayo guddi labada dal ah oo ka shaqaysa hirgalinta heshiiskan isaga oo kale uu yahay mid dhif iyo naadir ah.

Dekeda Suudaan

Isla kolkii uu dhammaaday safarkii Jabuuti, Dr Abiy waxa uu u duulay dalka Suudaan oo daanta kale daris kala ah Itoobiya, waxana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters kasoo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya Meles Alem, labada madaxweyne ayaa qalinka ku duugay heshiis ay si wadajir ah ugu dhisayaan dekeda, iyada oo markaas kadib Itoobiya saami laga siin doono dekedaas.

Iskaashiga Kenya

Dr Abiy waxa uu sidoo kale bishan safar ku tagay dalka Kenya, halkaas oo madaxda ugu sareysa ee Kenya uu la saxiixday heshiisyo kala duwan.

Sida uu qorey wargeyska Daily Nation, heshiiska waxaa ka mid ah heshiis horey labada dowladood ay u galeen oo lagu magacaabo LAPSET, kaas oo la’isku xirayo dekada Lamu iyo dalka Itoobiya.

Inkasta oo aysan weli soo bixin in Itoobiya ay saami ka heshey dekeda Lamu, haddane mashruucan LAPSET waa mid aad u balaaran oo la doonayo in lagu dhiso waddooyin laami ah, iyo qadka tareen oo isku xira labada dal si badeecada Itoobiya uga soo degta Lamu ama uga dhoofta ay si sahlan ugu kala gooshto masaafarada fog ee u dhaxaysa labada meelood.

Sababta

Itoobiya ayaa doonaysa in ay hoos u dhigto canshuurta tirada badan ee kaga baxda dhoofka iyo soo dajinta badeecooyinka kala duwan. Waxa kale oo ay doonaysaa in ay hesho damaanad ah meelo ay si joogto ah wax kala soo degi karto si uusan u saamaynin isbadala siyaasadaha.

Sargaal kale oo hadlay waxa uu sheegay in Itoobiya ay qeyb ku lahaan doonto go’aamada ku saabsan jaangooyada canshuuraha dekeda Sudan.

Tan waxa micnaheedu yahay in ay kordhiso saamaynteeda dalalka gobolka oo ay ku tartamayaan dalal shisheeye, gaar ahaan kuwa Carabta.

Tusaale dalka Sudan waxaa heshiisyo dekadeed la galay illaa labo dal oo kala ah Turkiga iyo Qadar. Dowladda Turkiga waxa ay dib u dhisaysaa dekedaa xilligii Cusmaaniyiinta ee Sawkin.

Mid kale oo sababaha Itoobiya ka mid ah ayaa ah in ay doonayso in ay kala qafiifiso culeeska shixnadaha usoo dekada, loona kala qeybiyo dekeda kala duwan, sidoo kalena uu halkaas ka dhasho loolan dalalka ay ugu jiraan macaashka badan ee ku jira ganacsiga lala samaynayo Itoobiya.

Ra’isulwasaaraha cusub Dr Abiy ayaa balanqaaday furfurnaan xagga ganacsiga, taasna waxa ay horseedi doontaa in waxyaabaha la dhoofinayo ama lasoo dajinayo ay aad u kordhi doonaan.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you