Monday, July 14, 2025

Maxay ka dhigan tahay Doorashada C/wali Muudey iyo Mahad Cawad (Faallo xasaasi ah)

-

Maqaalkan waxaan ku falanqeynayaa aragtideyda ku aadan doorashada Guddoomiye Ku-xigeenada Baarlamaanka waxa ay ka dhigantahay, sababaha Mudey iyo Mahad u sahashay inay guuleystaan iyo siyaasadaha ku xeeran tartanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

11kii January 2017 waxaa la doortay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maanta oo ah 12kii January waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad oo loo kala doortay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad oo labadaba horey u soo qabtay xilalka loo doortay. Mudey waxuu horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka sanadihii 2010 – 2012, haddana waxuu uu ahaa wasiirka Wasaarada Shaqada & Shaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa isagana Janaayo 2012 loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadii Cabdiweli Gaas, ka dibna August 2012 waxaa loo doortay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka oo haddana dib loogu doortay xilkaas. Arrintan waxey na tuseysaa marka la fiiriyo Jawaari, Mudey iyo Mahad in Xildhibaanada Baarlamaanka ay markan doorbidayaan dad shaqo soo qabtay oo waayo arag ah lehna khibrad ay horumarka dalka ka jira horey u sii dar-dargeliyaan.

Hasse yeeshee dhanka kale waxaa iyadana jirta arrimo badan oo siyaasad ah oo ku xeernaa doorashadii maanta oo la mid ah tii guddoomiyaha ee shalay. Haddaba arrimahaas maxaa ka mid ah?

Xulashada Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey waxaad moodaa in kooxo is-biirsaday ay u xusheen si looga guuleysto Faarax Cabdulqaadir oo ahaa musharax lagu tuhunsanaa inuu codad badan heysto. Cabdirashiid Xidig oo shalay markii laga guuleystay qiray inuu doonayo inuu hormuud ka noqdo isbedel ayaa aad u ololeeyey oo musharaxiin u tartamayey xilka Madaxweyne ay fursad u noqotay ay isku biirsadaan iyagoo u arkayey in Muudey uu yahay shaqsiga ay uga hortagi karaan joojinta Faarax inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Intaas waxaa sii dheeraa Khadiija Maxamed Diiriye oo markii ay tanaasuleysay hadashay ayaa iyadana baaq cad u dirtay xildhibaanadii codka siiyey, tanoo keentay dhammaan codadkii kale ee musharaxiinta kale ay wada aadeen Muudey wareegii ugu danbeeyey.

Arrimaha kale ee culeyska lahaa ayaa ahaa in Faarax Sheekh Cabdulqaadir loo arkayey tijaabo doorashada Madaxweynaha, abuurtayna cadaadis iyo gaashaanbuursi ku dhisnaa joojinta Faarax. Waxaana muuqata in Faarax codadka 94ta ah ee uu helay ay ahaayeen kuwo si rasmi ah uu isagu haleyn karo, hase yeeshee ku guuleysan waayey mudadii nasashada u dhaxeysay labada tartan inuu gaaro xildhibaanada aan codadka siinin wareega hore, tanoo keentay inuu wareegii ugu danbeeyey ku negaado 93 cod halka hal cod oo halaabay la aaminsanyahay inuu ahaa kii 94aad.

Mahad Cabdalla Cawad oo horey u soo ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa dib loo doortay. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad bacdamaa ay jireen 12 musharax waxaad moodaa inaan culeys weyn loo arag oo sida uu tartanka ku xigeenka koowaad u xamaasad badnaa uma xiiso badneyn.

Si kastaba kala doorashada Mahad iyo Bakhdadi ee wareegii ugu danbeeyey ayaa isagana la oran karaa in Bakhdadi lagu xaglinayey dhanka Faarax, tanoo keentay in Mahad oo saaxiibo badan ku dhex leh Baarlamaanka, khibradiisa iyo galgalkiisa siyaasadeed ka sakow uu helay taageero la mid ah kan uu helay Muudey.

Dhanka kale waxaad moodaa in doorashadii maanta iyadana aad loogu ilaaliyey nidaamka aan qorneyn ee awood qeybsiga siyaasada. Bacdamaa ay jireen musharaxiin ay ka mid yihiin Qanyare iyo Godax haddana waxaa la isla fahamsanaa in kursiga uu u asteesnaa beel, oo markaad fiiriso wareegii ugu danbeeyey labadii ku tartantay baa tusaale kuugu filan.

ENG-CABDIRAXMAAN-YARIISOW

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in Jawaari, Mudey iyo Mahad ay dhammaantood yihiin shaqsiyaad khibrad leh, soo shaqeeyey, xilalka ay u tartamayeena soo qabtay, tanoo noqoneysa markii ugu horreysey taariikhda oo aan la doorbidin shaqsiyaad ku cusub siyaasada. Mahad Cabdalla Cawad ayaa arrinkan ka marag kacay oo khudbadiisii mahadcelinta ku sheegay in xildhibaanada cusub ay ku wareeriyeen su’aalo ah maxaad soo qabatay iyo maxaad soo kordhin? Tanoo ku tuseysa in Baarlamaanka cusub uu doonayo in horumarka jira la sii joogteeyo, shaqsiyaadka xilalka Qaran qabanayana noqdaan kuwo leh khibrad, waayo-aragnimo iyo in xilalka ay u tartamayaan lagu soo tijaabiyey. 

Ugu danbeyntii, doorashada Guddoonka Baarlamaanka waxey ka dhigan tahay in lagu tartamo waxqabad, horumar iyo isla xisaabtan noo horseeda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah sanadka 2020ka.    

By. Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you