Friday, July 11, 2025

Maxay ka dhigan tahay inuu Farmaajo isku noqday Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha shirka Dhuusamareb 3?

-

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa shaki ka muujiyey sida Madaxweyne Farmaajo u daahiyey magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub, kadib markii ay dhacday xukuumadii Xasan Cali Kheyre.

Isagoo aan magacaabin Ra’iisal wasaare ayuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si degdeg u tegay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee shirka Dhuusamareeb 3 iska xaadiriya, taasoo sii badisay shakigii laga qabay in ujeedka Madaxweynaha uu yahay inuu keli ku noqdo awoodda, iskuna heysto xilalka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Shirarka xaaladda kala guurka ah waxaa caado u ahayd inay ka wada qeyb galaan madaxda dowladda ugu sareysa ee lagu soo doortay awood qeybsiga 4.5 iyo madaxda maamul Goboleedyada laakiin waxaa hadda awoodii dowladda oo dhan isku haya Madaxweynaha kaliya.

“Farmaajo wuxuu inkiray jiritaanka Aqalkii sare, kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyadana wuxuu siiyey Golaha Shacabka. Wuxuu sidoo kale ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed, kaddib markii uu diiday in uu magacaabo Raysal wasare soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa. Hadalkiisana wuxuu ahaa aniga ayaa labadiiba isku ah…” ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/shakur Warsame oo ka fal celiyey khudbadii Farmaajo ka jeediyey Golaha Shacabka intii aanu u duulin Dhuusamareeb 15 Ogost 2020.

Inuu Madaxweyne Farmaajo xilligan isku yahay Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare waxay halis ku tahay shirka Dhuusamareeb 3 oo madaxda maamul Goboleedyada ay wajihi doonaan Farmaajo ka adag shirarkii Dhuusamareeb 1iyo 2 oo heshiisyadii lagu gaaray aanu waxba kasoo qaadin.

Maamulka Puntland ayaa soo saaray shuruudo ay tahay in la fuliyo inta aanay ka qeybgelin shirka Dhuusamareeb 3, waxaana ka mid ahaa inuu magacaabo Ra’iisal wasaare fuliya heshiisyada lagu gaaro shirka.

Puntland iyo Jubbaland oo u muuqda inay fahmeen qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa ka caga jiidaya inay tagaan shirka Dhuusamareeb 3, taasoo keeni karta inuu waqtiga magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ka dhammaado Madaxweyne Farmaajo, kadibna ku qasbanaado inuu magacaabo ama inuu Golaha Shacabka ku laabto ayna sii socoto xaaladii iska-daba wareegga iyo isla meereysiga ahayd.

Waxaa xaaladda uga sii daraya waqtiga kasii dhammaanaya hay’adaha dowladda oo uu ugu horeeyo Baarlamaanka, waxaase muuqata in Madaxweynaha u daneynayo inay xaaladu isku sii cakirnaato oo sida rajadiisu tahay la ogolaado muddo kordhinta uu dadaalka ugu jiro.

FAALLADA GOOBJOOGE

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you